"Colaada" Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo weji cusub yeelatay

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Colaad leysku adeegsanayo hub culus ayaa ka oogan Dhuusamareeb, caasimada Galmudug. Saacadihii lasoo dhaafay laba jeer ayay is-farasaareen ciidanka Ahlu Sunna iyo dowlada.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta INJI, oo ah fariisinka ugu weyn ee ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Illaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyey dhaawaca laba qof oo shacab ah. Wararka waxay sheegayaan in dhinacyada diriray uu soo gaarey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illo dhanka caafimaadka ah ayaa u sheegay Garowe Online in dhimashadda guud ee dagaalka Dhuusamareeb ay gaareyso todoba qof oo isugu jira askar iyo shacab.

Wakiil wareedka GO ee magaala madaxda gobolka Galgaduud ayaa soo wariyey in Isbitaalka guud ee Dhuusamareeb uu u xirmay isku dhaca.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana hakad uu ku yimid isu socodkii gaadiidka agagaarka xarunta INJI. Dadka degaanka ayaa lagu waramayaa in ay bilaabeen barakac.

Warbixinadda ayaa waxay sheegayaan in Ahlu Sunna iyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay wadaan abaabul ciidan oo iska soo horjeeda.

Goobjoogeyaal ayaa khadka telefoonka u sheegay warsidaha Garowe Online in hubka leysku adeegsanayo uu kamid yahay hoobiye.

Dhanka kale, dagaal kale oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa ka qarxay magaalada Guriceel gaar ahaan saldhiga booliska.

Dhinacyadda oo warar kala duwan kasoo saarey is-rasaaseynta ayaa midka kan kale ku eedeeyay in uu bilaabay rasaasta.

Warbixinada ayaa muujinaya in weerarka saldhiga uu markii hore ka yimid dhanka Ahlu Sunna oo saacado kooban la wareegtay gacan ku haynta. Laba qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday falkas.

Saraakiisha ciidamada federaalka ayaa tilmaamay in ay dib u qabsadeen saldhiga isla markaana ay wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan "maleeyshiyaadka soo weeraray".

Dhinaca kale, baaqyo nabadeed oo loo dirayo dhinacyadda ayaa durba bilowday. Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Galmudug waxay dhinacyada ku booriyeen in ay xabada joojiyaan.

Ahlu Sunna iyo Villa Soomaaliya oo isku haya siyaasadda iyo hogaanka doorashadda Galmudug ayaa haatan u muuqanaya in ay doorbideen gacan ka hadal, taasoo waxyeelada ugu badan gaarsiineysa rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM