Falcelinta xulashada Maxamed Xuseen Rooble iyo fariimaha loo diray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Falcelin u badan hambalyo iyo fariimo siyaasadeed ayaa loo diray Maxamed Xuseen Rooble tan iyo markii xalay uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabay ra'iisul wasaarihii 20aad ee dalka.

Madax xil haysa iyo siyaasiyiin jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka ayaa dhambaalada diray, iyagoo si wadajir ah ugu rajeeyay guul mudada uu xafiiska joogay oo eg bisha Febraayo ee sanadka dambe 2021.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo kamid ah dhinacyada u tahnidayeeyay Rooble, ayaa taageero u waydiiyey shacabka.

"Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakan uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsna," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Jubaland State House.

Rooble oo 57-jir ah ayaa kusoo hagaagay mar-xalad adag oo dalka u diyaar-garoobayo doorasho taasoo la macno ah in shaqada ugu culus ee u taala ay tahay in uu waddanka si nabad ah uga samata bixiyo kala guurka.

Dowlada iyo maamulada ayaa heshiis siyaasadeed is-kula meeldhigay qaabka u dhaceyso iyo maalinta ay bilaabaneyso oo ah 1-da November, 2020. Dhaqan-gelinta is-afgaradkaan waa mid kamid ah waajibaadka Rooble.

Dhamaan shaqooyinkaan wuxuu si dhaba u guda geli doonaa marka uu kalsooni ka helo baarlamaankii eryay ninka uu bedelayo Xasan Cali Khayre kaasoo riditaankii lala xiriiriyey in ay ka shaqeysay Villa Soomaaliya.

Khayre iyo madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo ayaa isku qabtay qodobo ay kamid yihiin in ra'iisul wasaarihii hore uu rabay in uu murashax u noqdo doorashada soo aadan iyo in coddeynta aan dhib loo dhigin.

Wallow aan la ogeyn waxa gedaal iska bedeli kara, Farmaajo ayaa la aaminsan yahay in magacaabida Rooble ku saleeyay in uusan la tartami doonin, taasoo ka dhigan in uu kala shaqeynayo ololihiisa dib u doorashada 2020-21.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeed Wadajir oo xoojiyey doodaas, ayaa uga digay ra'iisul wasaaraha magacaaban in damaca Farmaajo uu mugdi u geliyo mustaqbalkiisa dambe ee siyaasadeed.

"Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada," ayuu kusoo qoray Facebook, isagoo ku waaniyey in uu kaalintiisa cayaaro.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa si lamid ah wuxuu ku tartarsiiyey Rooble in uu difaaco saami qeybsiga uu ku fadhiyo kursigaan.

Madaxdii u dambeysay soo maray Soomaaliya ayaa sababihii u horseeday in ay ku kufaan ololahooda dib u doorashada waxaa kamid ahaa in ay la loolameen ra'iisul wasaareyaashooda, taasoo Farmaajo daneynayo in uu ka badbaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM