Gabar Wariye ah oo lagu dhaawacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gabar Wariye ah, oo la sheegay inay ka tirsan tahay Wasaaradda Warfafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu dhaawacay maanta Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Suxafiyaddan oo lagu magacaabo Farxiye Maxmuud Mire, ayaa waxaa la sheegay inuu weerarka kasoo gaarey dhaawac fudud dhanka caloosha, kadibna loola caray Isbitaal ku yaalla Caasimadda, oo hadda xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayo.

Sababta loo beegsaday Farxiyo ma cadda, balse, warar uu helay Warsidaha Garowe Online waxay sheegeen in maalmihii u dambeeyay uu ka dhex-jiray Wasaaradda Warfaafinta muran ku aadan kamid noqoashadeeda.

Saraakiisha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Ragii falkaan lagu dhaawacay Wariye Farxiyo Mire ka dambeeyay, islamarkaana hadda su'aalo lagu weydiinayo saldhig degmad Waaberi.

Farxiya oo sidoo kale ka howlgasha TV-ga dowladda ee SNTV ayaa la sheegay in falkan lagu dhaawacay uu ahaa Shirqool lala damacsanaa in lagu khaarijiyo.

Qof ay isla shaqeeyaan ayaa Warsdiha Garowe Online u sheegay in  Farxiya lagu balamiyay meel u dhow Isgoyska Dabka, balse marka ay goobta soo gaartay uu nin hubeysan uu ku furay rasaas taasi oo ka haleeshay caloosha iyo lugta.

Dhanka kale, dabley bastoolado ku hubaysan ayaa isla maanta oo Khamiis ah ku dilay Suuqa Siiney ee magaalada Muqdisho nin shacab ah, oo kamid ahaa dadka ku shaqeysta xirfadda Harqaanka/Dawaarka.

Lama oga sababta loo beegsaday ninkan oo wali laamaha amniga aysan magaciisa shaacin.

Falalka lagu bergsanqyo dadka ee magalaada Muqdisho ayaa waxaa gaysta Al Shabaab iyo kooxo kale oo dano shaqsiyasdeed u khaarjiya Dad ay si gaar ah u beegsanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM