Go'aan liddi ku ah xayiraad uu Trump saarey Soomaaliya oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Ololaha la doonayo in meesha looga saaro xayiraadii socdaalka ee Donald Trump kusoo rogay dalal ay ku jirto Soomaaliya ayaa dib uga bilowday maxkamadaha Mareykanka.

Wasaaradda Cadalaadda ayaa in uu talaabooyin kale qaado waydiisatay garsooraha kolkii hore joojiyey dhaqan-galka.

Waaxda Cadaaladda ayaa ku dhawaaqday in Maxkamadda Rafcaanka Mareykanka ay dib u eegis ku sameyn doonto xayiraadda.

James Robart, oo garsoore ka ah maxkamadda magaaladda Seattle, ayaa hakiyey xayiraadda socdaalka kadib markii gobolka Washington uu si sharci ah is hortaag uu ugu sameeyay amarka Trump.

Xukunkaas ayaa waxaa todobaadkii hore taageertay Maxkamadda Rafcaanka degmadda 9aad ee magaaladda San Francisco.

Trump ayaa go’aankan kadib sheegay in uu soo saarayo "weji cusub oo amar madaxweyne ah". Ma cadda hadii uu ku dhawaaqi doono go’aan midkii hore ka culus.

Tani ayaa dib u soo cusbooneysiisay qaddiyaddan oo Trump uu si gaar ah ugu beegsaday wadamo dadka ku nool ay qaarkood yihiin Muslimiin.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii uu soo baxay go’aanka xayiraadda socdaalka. Qaar kamid ah goboladda Mareykanka ayaa naqdiyey, iyaga oo bilaabay olole ka dhan ah oo tan iyo xilligaa socda.

Dalalka lagu soo rogay xayiraadaas oo ah in muwaadiniintooda aysan gelin karin Mareykanka ayaa kala ah; Iran, Iraq, Libya, Soomaaliya, Suudan, Syria iyo Yemen. Ciraaq kolkii dambe waa laga saarey.

Aqalka Cad oo go’aanka ku qeexay mid la xiriira Amniga Qaranka ayaa tilmaamay in ay kaga hortagayaan weeraro ay kooxaha Islaamiyiinta ee dalalkaas ka dagaalama kusoo qaadaan Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM