Khilaaf ka taagan Qorshaha Deeqaha looga jarayo Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Go'aanka ay isku raaceen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda dalka ee ah in gabi ahaanba la hakiyo dhaqaalaha Beesha Caalamku siiyo Somaliland, ayaa abuuray Khilaaf xoog leh.

Xilldhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo siyaabo kala duwan uga hadlay go'aankaan ayaa qaarkood noqdey kuwa soo dhaweeyay halka, qaarka kale ay gaashaanka ku dhufteen.

Xubnaha soo dhaweeyay waxay ku doodayaan in Somaliland la siiyo dhaqaalo ay si gooni ah isugu maamusho ay kusii dhiira-gelinayso inay gooni isku taaga ku adkeysato, taasoo ay sheegeen ina ka hor imaaneyso midniamda Umadda Soomaaliyeed.

Mudanayasha kale ee kasoo horjeeda go'aanka maamullada dalka iyo waliba dowladda waxay dhankooda qiil uga dhigayaa in talaabadaan ay tahay mid sii kala fogeynaysay Umadda Soomaaliyeed, iyagoona eeda ugu badan dusha usaaraya maamulada.

Hogaamiyaasha maamul goboleedyadda ayaa ku horeeyay dalabka, kaasoo Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ay ku waafaqday, waxayna sabab uga dhigeen arrimo badan oo ay ugu horeysay midnmada dalka. [Halkan ka akhri Warka].

Balse, Kooxda Deeq-bixiyaasha Soomaaliya ayaa diiday dalabka dowladda iyo maamuladda, iyagoo ku doodaya in heshiiskii "New Deal Compact" ee lagu saxiixay Brussels 2013 dhigayo in Somaliland qeyb ka hesho dhaqaalaha Soomaaliya caalamka uu siiyo.

Heshiiskan ayaa soo shaqeynayay 2013-2016, oo Somaliland u helaysay qoondadeeda lacageed, balse hadda uu markii waqtiga ka dhacay Heshiiskaasi soo ifbaxay khilaaf ku aadan dhanka cusbooneysiintiisa, oo dowladda Federaalka iyo maamuulada diideen.

Xubno katirsan labada aqalka ee Baarlamaanka oo kasoo jeeda Somaliland, ayaa sheegay in hadii la cusbooneysiin waayo heshiiska qoondada deeqaha dhaqaale lagu siinayo maamulka Hargeysa ay keeni karto cawaaqib xun.

Waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin dalabka maamul goboleedyada, ee uu ku taageeray Wasiirka qorsheynta, kaasi oo ay ugu soo horjeesteen nidaamka gaarka ahaa ee Somaliland loogu qoondeyn jiray Deeqaha "Somaliland Special Arrangments."

Lama oga nooca ay tahay tallaabada ay qaadi doonaan Xildhibaanada, balse waxaa xusid mudan in halgan lagu difaacayo qoondada Somaliland ay ku jiraan xubno kamid ah Xukuumadda Khayre, oo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka hormuud u yahay.

Xildhibaanada ayaa aaminsan in qorshahan uu sii fogeyn karo Somaliland, islamarkaana soo xirayo albaabadii wadahadalka dowladda Federaalka iyo maamulka Hargeysa ee ku aadan midnimada Soomaaliya.

Wakiilada Somaliland ugu matala dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tuhunsan in arinkan ay gadaal ka riixayso Puntland oo hadda colaad kala dhaxeyso maamulka Muuse Biixi, oo ay isku hayaan gobolka Sool, gaar ahaan Tukaraq.

Sikastaba, lama oga waxay noqon doonta talaabadaas wallow ay hadda muuqato in arrintaan ay ka dhalatay xiisad xoogan, taasoo laga yaabo inay saameysay Hay'addaha dowladda Federaalka iyo maamullada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM