Koonfur Galbeed oo waji cusub gashay iyo Musharixiin war culus soo saarey

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - War qoraal ah oo ay soo saareen qaar kamid ah Murashaxiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay inuu dowlad goboleedka uu lugaha la galay khal-khal dastuuri ah, sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

Ugu horeyn, murashaxiinta ayaa walwal ka muujiyay amni daridda kusoo korodhay Baydhabo, waxayna si kulul u cambaareyeeen falal dhowaan ka dhacay caasimad goboleedka Bay, oo lagu beegsaday masuuliyiin hore.

War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 6-da bishaan December ayay su’aal ku geliyeen xil haynta Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, kaasi oo ah muddo ku siman Bil sii haya Madaxwaynaha kadib is-casilaadii Shariif Xasan.

“Maadaama xil haynta Madaxwaynuhu ku egtahay 7/12/2018, oo aanu wali qabsoomin doorasho..wixii ka dambeeya 8/12/2018, KGS waxay galeysaa khal-khal dastuuri ah, mana jiro si sharci ah oo xilka kusii hayo sii haya Madaxwaynaha,” ayaa laga soo xigtay warka qoraalka ah.

Intaasi waxaa dheer, inay usoo jeediyeen Murashaxiinta Afhayeenka Gollaha Wakiilada ee Koonfur Galbeed inuu diyaariyo qaraar Baarlamaani ah, kaasi oo u ogolanayo inuu jagada sii hayo inta laga dooranayo hogaamiye cusub.

Sida ku cad qoraalka, xalka kale waxay u arkaan siyaasiyiintaan damaca fog leh in la dhiso Golle loo dhan yahay oo howlaga mamaul goboleedka sii wada inta ay ka dhaceyso doorasho xor iyo xalaal ah.

Murashaxiinta warkaan soo saartay oo kala ah; Mukhtar Roobow, Aadan Saran-soor iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa geesta kale ugu baaqay Beesha Caalamka inay korjoogto ka noqoto doorashada loo mudeeyay 19-ka December.

Dowladda Soomaaliya ayay ku eedeeyeen inay faragelin ku hayso coddeynta xili ku tartasiiyeen inay dib uga celiso Baydhabo ciidamo ay udirtay, iyaga oo ku tartartsiiyay Villa Soomaaliya inay gacma-gacmaynta joojiso.

Ugu dambeyntii, murashaxiinta ayaa balanqaaday inay la shaqayn doonan murashaxii kusoo baxa doorashadda, taasi oo xasaasiyad wayn abuurtay, islamarkaana olalaheeda uu sameeyay bulshadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM