Mareykanka oo weerar xubno looga dilay Al-Shabaab ka fuliyay nawaaxiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah oo ciidamadiisa ka fuliyeen nawaaxig tuulada Gandarshe oo 48-KM dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho uu ku dileen 8 kamid ah Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa lagu xaqiijiyay duqeynta, oo dhacday maanta oo sabti ah, taasoo ay ka qeyb qaateen ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxafadeedka ayaa lagu caddeeyay in aanu jirin wax khasaro ah, oo shacabka kasoo gaarey howlgalka militeri.

"Duqaynta oo dhacday 15-ka December [Jimcadii] waxaa la fuliyay iyadda oo wadashayn dhow lala yeeshay dowlada Federaalka Soomaaliya si loo wiiqo xorrriyada dhaqdhaqaaq iyo cadaadista [Al-Shabaab],” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2018 ka fuliyay Soomaaliya in ka badan 38 weerar oo dhinaca cirka ah, kuwaasoo AFRICOM qoraallo ay soo saartey ku sheegtay in laagu dilay xubno badan oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa laga saarey magaalada madaxda dalka sanadkii 2011-kii, balse, wali waxay kooxdu awood u leedahay inay weeraro ka fuliso magaalooyinka ay dowladda Federaalka maamusho iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM