Booliska Soomaaliya oo qabtay laba nin oo qaraxyo ka fulin rabay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Axadda maanta ah ay ku qabteen isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho nin miino nooca dhejiska ah ku xirayey gaariga mas'uul dowladeed.

Sadiiq Aadan Cali, afhayeenka bileyska oo u waramay Idaacadda Kulmiye, ayaa tilmaamay in eedeysanaha loo gudbiyey Waaxda Dambi-baarista isla markaana uu dhowaan kasoo muuqan doono maxkamada ciidamada.

Sidda laga soo xigtay Cali, ciidamadda oo heegan ku jiray ayaa arkay eedeysanaha isla markaana qarxiyey miinadda oo aan khasaaro geysan.

"Waad la socotaa jawiga magaaladda maanta wuxuu ahaa mid kacsan. Laakiin, ciidamadda booliska oo meel walba joogay ayaa ku guuleystay in ay qabtaan dhagar-qabaha," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

Balse ma uusan soo bandhigin magaca mas'uulka lahaa gaariga. Balse, eedeysanaha wuxuu la xiriiriyey maleeyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Qabashadda ninkaan ayaa kusoo aadeysa xilli maanta uu magaaladda ka dhacay isu soo bax siyaasadeed oo lagu taageerayay qorshe sharci darro ah oo dowladdu dooneyso in ay ku kordhineyso xubnaha Aqalka Sarre.

Afhayeenka oo goor dambe warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidanka qabteen nin kale oo doonayey in uu isku qarxiyo banaanbaxayaasha.

"Isagana wuxuu mari doonaa sharciga, kiiskiisana wixii kasoo kordha waan idinla lasoo socod siin doonaa saxaafadda," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Waddooyinka muhiimka ah ee magaaladda ayaa la xiray, talaabadaas waxay saameyn ku yeelatay qaar kamid ah shacabka, kuwaas oo warbaahinta la hadlay isla markaana carro ka muujiyey kuna dhaliilay xukuumada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM