QM oo baareysa deeq ku socotay dad ay Soomaali ku jiraan oo la musuqay

Image

KAMPALA, Uganda – Qaramadda Midoobay ayaa shaacisay in ay baareyso lacag loogu talogalay qaxooti ay Soomaali ku jiraan oo ku nool xerada Nakivale, koonfur galbeed Uganda, oo la musuqmaasuqay.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii baaritaan uu sameeyay wargeyska 100Reporters lagu soo bandhigay in musuqmaasuq ay ku kaceen shaqaalaha, qandaraasleyaasha iyo taliska booliska.

Si lamid ah wax-is-dabamarinta ayaa lagu waramayaa in ay qayb ka ahaayeen xubno ka tirsan xafiiska ra'iisul wasaaraha waddanka dhaca Geeska Afrika ee siyaasadiisu tahay qaabilada qaxootiga.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in dhamaan dhinacyadaas ay shuruud ku xiraan fulinta adeegyadda ay bixineyso Hay'adda Qaxootiga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa iyaga oo codsanaya laaluush.

Adeegyadda ayaa waxaa kamid ah; caafimaadka, waxbarashadda iyo goobaha ay degayaan soo galootiga.

"Dhamaan waxyaabaha waa kuwa la sheegayo ma jiraan caddeymo waafi ah," sidaas waxaa yiri Cecile Pouilly, afhayeenka UNHCR. "Baaritaanka waa uu socdaa kadib ayaan heli doonaa xogta dhabta ah".

Joornaalka 100Reporters ayaa la kulmay qaar kamid ah qaxootiga xerada ku nool, kuwaas oo xogaha musuqmaasuqa u dusiyey. Qaar kamid ah xubnaha wareysiga bixiyey waxay wajahayaan cabsi gelin.

"Waxay wajahayaan aargoosi, Qaramada Midoobay ma difaaceyso," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta uu qoray jaraa'idka, oo sheegaya in noloshooda ay khatar geli karto hadaan la badbaadin.

Uganda ayaa lagu sheegaa dalka ay ku nool yihiin qaxootiga ugu badan qaaradda Afrika. Dhanka caalamka, waa mid kamid ah shanta waddan ee ugu badan ee qaabilay qaxootiga kasoo baxay dalalkooda.

Soomaalida ayaa kamid jaaliyadaha ku dhaqan dalkaas, inkasta oo ay isugu jiraan kuwa waxbarasho u tegay, qaar nolol iyo shaqo ka raadsaday, kuwa raba in ay Yurub u gudbaan iyo kuwa qaxooti ku ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM