Ra'iisul Wasaare Rooble oo helay Kalsoonida Baarlamaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo 17-kii bishan uu magacaabey Farmaajo, isagoo bedalaya Khayre oo 25-kii July xilka looga qaadey Mooshin uu Gollaha Shacabka u codeeyay.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxanmed Mursal ayaa ku dhawaaqay in 215 mudane oo soo xaadirtay kulankii Maanta ay codka kalsoonida siiyeen Rooble, isagoo intaasi ku daray inaysan jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay.

Mursal ayaa xusay in Rooble la dhaarin doono markale, maadaama uusan kulankii maanta tagin Madaxweyne Farmaajo oo la filayay inuu khudbad ka jeediyo, iyadoo aan la shaacin sababta baaqshadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM