Sarkaal sarre kana soo goostay AlShabaab oo lasoo bandhigay

Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dagaalame sarre oo la sheegay in uu ka tirsanaa AlShabaab ayaa wuxuu isku dhiibay ciidanka dowladda ee degaanada Koonfur Galbeed.

Yarow Xasan Aadan oo ku magac dheer Seyfu-Laah ayaa waxaa Khamiista maanta ah lagu soo bandhigay magaaladda Xudur ee xarunta gobolka Bakool, koonfurta dalka.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku warameysaa in Seyfu-Laah "uu ka tanaasulay fikirka xarjirnimadda".

"Waxaan uga soo baxay [kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida] markii aan arkay weerarada macno darada oo ay shacabka ku laynayaan," ayaa laga soo xigtay.

Seyfu-Laah oo kasoo dagaalamay gobolo kala duwan oo dalka ah ayaa wuxuu u qaabilsanaa maleyshiyaadka isku xirka horjoogeyaasha iyo dagaalameyaasha.

"Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan waydiisanayaa cafis," ayuu hadalkiisa ku daray, sidda ay qortay Wakaaladda wararka Qaranka ee loo yaqaano SONNA.

Aadan ayaa lasoo baxsaday qori AK 47 ah. Ma cadda talaabadda xigta oo laga qaadayo, wallow xubnaha aalaaba soo goosta la geeyo xarumo dhaqan-celin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM