UN: Rabshado ka dhaca Jubaland waxay khatar ku tahay Qaranka

Image

WASHINGTON, US – Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya magaaladda Muqdisho ayaa war-saxaafadeed wuxuu u diray kulan looga hadlay xaaladda Soomaaliya oo uu maanta yeeshay Golaha Ammaanka UN-ka.

James Swan oo qoraalkiisa xaalada guud ee wadanka uga hadlay kuna sheegay in si diiran loogu soo dhaweeyay dalka ayaa soo qaaday doorashadda madaxweynaha Jubbaland ee berri ka qabsoomeysa Kismaayo.

Diblumaasigan u dhashay dal-weynaha Mareykanka ayaa ku cel-celiyay baaqiisa ku aadan in geedi u socodka coddeynta dowlad goboleedkaasi uu noqdo "mid hal ah, lagu heshiiyey isla markaana lawada ogol-yahay".

Isaga oo dhinacyadda ku booriyey in ay ka fogaadan wax kasta oo xasilooni darro dhalin kara, Mr Swan ayaa waxa uu ka digay in natiijada doorashadda Khamiista ay dabaha u xaarto qalalaaso.

"Rabshadaha kaliya khatar kuma ahan maamul goboleedka, waxay halis ku yihiin yoolalka heer Qaran ee hor-tabinta leh sida u diyaar-garowga doorashada 2020-ka, dagaalka Al-Shabaab iyo ajendaha horumarinta," ayuu ku yiri.

Dhinaca kale, isaga oo tibaaxay in wada hadalo uu la yeeshay ay guulo uga soo baxeen, Swan ayaa baarlamaanka federaalka ku tartarsiiyay in uu dedejiyo sharciyadda doorashooyinka oo haatan horyaala.

Inkasta oo uu tibaaxay in wali uu walaac ka jiro amniga, ergayga ayaa waxa uu bogaadiyey howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ciidamada ka wadaan gobolada qaar ee dalka.

Qabyo tirka dastuurka oo uu ku adkeystay in ay muhiim tahay ayuu cadeeyay in loo baahan yahay in heshiis mideysan laga gaaro, maadaama uu saameynayo mustaqbalka siyaasadeed ee wadanka.

Xukuumadda Federaalka ayuu ku ammaanay horumarka ay ka sameysay dhinacyadda kobcinta dhaqaalaha iyo dedaalada ay ku bixineyso "dhismaha Galmudug mideysan oo dhisan" iyo dib-u-heshiisiinta.

Coddeynta Jubbaland oo gil-gishay siyaasadda Qaranka iyo tan bariga qaaradda Afrika ayaa aad isha loogu wadada hayaa, iyadda oo Beesha Caalamka ay dooneyso in aysan noqon doorasho aad loogu murmo.

BAYAANKA JAMES SWAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM