Ajaaniib kamid ah dad horleh oo Somaliland ay ka heshay Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay safmarka Coronavirus ka baartay sideetan [80] qof.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in 26 kamid ah uu soo ritay cudurka, kuwaas oo 22 kamid ah ay yihiin muwaadiniin, halka afarta kalena ay kasoo jeedaan India.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, bukaanadda cusub ayaa 19 kamid waxay yihiin Lab ama Rag, 7-da kalena waa Dhedig ama Dumar.

Da'dooda ayaa waxaa lasoo wariyey in ay u dhaxeyso; 10jir ilaa 19jir = 2 qof, 20jir ilaa 29jir = 9 qof, 30jir ilaa 39jir = 7 qof, 40jir ilaa 49jir = 6 qof, 50jir ilaa 59jir = 1 qof iyo 60jir ilaa 69jir = 1 qof.

Bayaanka ayaa waxaa lagu xaqiijiyey in 13-kamid ah shaqsiga cusub ee qaadey xanuunka ay joogaan Hargeysa, Borama 7 iyo Berbera 6.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan [48]," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.

Nasiib wanaag, ma jirto dhimasho cusub oo la diiwaan-geliyey 24-kii saac ee laoo dhaafay, taas oo ka dhigan in wadarta ay noqoneyso 22.

Sikastaba ha ahaatee, tiradda guud ee kiisaska ayaa gaaraya 358, waxayna ku dhow-dahay in ay noqoto 400, taas oo suurtagal ay tahay in ay buuxsanto dhowaan. Wadarta bogsashadda ayaa dhan 48.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM