Mucaaradka Somaliland oo qabanaya Shir ka dhan ah Muuse Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu qabanayo shir ka dhan ah maamulka Muuse Biixi, hadii doorashooyinka Baarlamaanka iyo Gollaha degaanka aanan loo qaban sida saxda ah.

Somaliland ayaa galaysa bilooyinka soo socda doorashooyinka Gollayaasha sharci dejinta iyo Gollaha degaanka, taasi oo uu shaki fara badan ka muujiyey Waraabe in xukuumada haatan jirta ay ku fekerayso inay gabi ahaanba meesha ka saarto xili uu ka digay.

Shirar kala duwan oo dhacay dhowr jeer kuwaasi oo arrimaha doorashooyinka looga hadlayey ayuu sheegay inay dhinacyada ku lugta siyaasadda Somaliland ay la yeesheen Muuse Biixi, ayna isla meel-dhigeen in la qabto doorashada.

Gollayaasha Baarlamaanka ayuu Gudoomiyaha UCID soo jeediyay inay kamid ahayd arrimaha ay isla meel-dhigeen in la kala diro kahor sanadka 2019-ka xili uu shaaciyay inay taasi haatan umuuqaneyso mid meesha laga saarayo xili uu ku eedeeyay Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

"Inaga [UCID], Kulmiye, Wadani iyo Odayaasha dhaqanka shir baynu leenahay. Waxaan isla garaney in Baarlamaanka la kala diro kahor 2019 maadaama waqtigoodii idlaadey hadii ay taasi dhici waydo, shir beeleed baan ku dhawaaqaynaa," ayuu yiri Waraabe.

Faysal Waraabe oo sii hadlaya ayaa tibaaxay in maamulka Somaliland uu haatan taagan yahay heerkii ugu xumaa taariikhda markii ay ka go'een Soomaaliya, isaga oo qeexay in Dimuqraadiyadda ay gaartay heerkii ugu hooseeyay taasi oo uu saluugay.

Guddiga doorashooyinka ee qaybtay doorashadii Madaxtooyadda ayuu ku goodiyay in hadii aanan wax ka bedal lagu sameynin taasi oo uu sheegay inay kala hadleen maamulka haatan jira uusan Xisbigiisa qayb ka noqon doonin doorashooyinka soo socda.

"Meeshii ugu xumeed ayaan mareynaa. Siyaasiyiinta mab-da' malahan meeshii khaad lagu sheego ayey tagayaan. Dimuqraadiyadii dalkaan ku taagnaa luntey. Hadii aanan waxba laga qaban Guddiga doorashooyin doorasho dhici maydo," ayuu si cad usoo jeediyay Faysal.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa ku tartarsiiyey maamulka Muuse Biixi Cabdi inuu doorashooyinka soo socda u qaban-qaabiyo si wada ogol, isaga oo taasi hadii aysan dhicin sheegay inay "Somaliland burbur lugaha la geli doonto".

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM