Turkiga oo shaaciyey kaalintiisa wada hadalka DF iyo Somaliland

Image

DOOXA, Qatar – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa shaaca ka qaadey in Soomaaliya ay u baahan tahay kaalmada Turkida si ay u hesho xasilooni siyaasadeed, dib u dhiska ciidanka amniga Qaranka iyo horumar dhaqaale.

Mevlut Cavusoglu ayaa hadaladan ka sheegay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo ka qabsoomay Dooxa, caasimada Qadar.

"Waa waajib Ummadeed in aan Soomaaliya kasoo saarno dhibaatadda," ayuu yiri Cavusoglu. "Heshiis wadajir ah ayaa lagu xaqiijin karaa nabadda Soomaaliya iyadda oo meel layska dhigayo ismaandhaafka," ayuu raaciyey.

Cavusoglu ayaa rumeysan in loo baahan yahay iskaashi si ay Soomaaliya dib ugu soo ceshato maqaamka ay ka joogtey caalamka.

"Soomaaliya waxay u baahan tahay caawinteena si ay u xaqiijisato xasilooni siyaasadeed dibna ugu dhisato ciidamadeeda amniga qaranka una abuurato jawi u ogolaanaya horumar dhaqaale," ayuu cod dheer ku qeexay wasiirka.

Xukuumadda Ankara ayuu ku nuux-nuux saday in ay ka qeyb-qaadato dhamaan dhinacyadda kala duwan ee Soomaaliya si ay u taageerto waddanka.

"Kaalin dhexdhexaadin"

Wada xaajooyadda dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa hakad ku jira tan iyo sanadkii 2011-dii. Markii ugu dambeysay waxaa lagu kala qabtay waddamada Imaaraadka iyo Turkiga. Balse kama soo natiijo wax ku ool ah.

Iyadda oo sanad iyo bilooyin ay xafiiska uga harsan yihiin, madaxweyne Farmaajo ayaa dowladiisa waxay ku guuldareystay in ay horey u sii wado wada xaajoodyadda xili ay kamid tahay balanqaadyadii doorashada ku galay.

Guddi heer qaran ah ayaa loo magacaabay wada xaajoodyadda balse maamulka Hargeysa wuu qaadacay. Puntland ayaa sidoo kale codsatay in laga qeybgeliyo wada hadalada maadaama xuduud la leedahay maamulkaas.

Beesha Caalamka ayaa la rumeysan yahay in ay labadda dhinac ku riixayso sii waditaanka wada hadaladda, waxaana Turkiga, Sweden iyo kuwa kale ay kamid yihiin dowladdaha codsatay in ay martigeliyaan wejiga saddexaad.

"Waxaan dalbanay door dhexdhexaadin iyo fududeyn ah oo ku saabsan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland," ayuu Cavusoglu hoosta ka xariiqay.

Gabagabadii, doorashadda ee soo aadan 2020-ka ayuu cod dheer ku qaaxay in ay tahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya.

Coddeynta oo aad loogu rajo weynaa in ay noqon karto qof iyo cod ayaa waxaa meesha ka saartay xukuumadda hadda jirta oo ka gaabisay qorsheyaashii hirgelin lahaa oo ay kamid tahay amniga, xorreynta degaanada iyo shuruucda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM