Wasiirka difaaca UK oo booqday Somaliland xilli xiisad ka jirto Tukaraq [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Gaashandhiga boqortooyadda Ingiriiska, Gavin Williamson, ayaa socdaal aanan lasii shaacin wuxuu ku tegay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni isku taaga ah ee Somaliland.

Williamson ayaa wuxuu kulan la yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, iyo xubno kale oo kamid ah Gollahiisa wasiirada oo uu ku jiro Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidamada maamulka Hargeysa.

Dhamaan dhinacyadaan ayuu kala hadlay Gavin Williamson arrimo ku saabsan xiriirka siyaasada iyo ciidamada, waxaana ay isla meel-dhigeen qodobadii ay isla soo qaadeen, sidda laga soo xigtay war kasoo baxay Madaxtooyada.

"Kulanka wuxuu kusoo dhamaaday is-afgarad buuxa, iyo in la xoojiyo cilaaqaadka Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-geliyo iskaashiga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Biixi.

Waa markii ugu horeysay mas'uul haya xilka wasiirka difaaca dowladda Ingiriiska uu soo booqdo degaanada maamulka Somaliland tan iyo markii ay xorriyadeeda ka qaadatay sanadkii 1960-kii.

Safarka Gavin Williamson ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo dowladda Soomaaliya ay dhowaan dalka ka fiijisay wakiilkii UN-ka uqaabilsanaa dalka taasi oo la fahansan yahay inay UK si wayn uga carooratay.

Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka taageerada dhaqaale siiya xukuumada Muqdisho, iyadda oo si lamid ah tababarta qaar kamid ah ciidamada maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM