Haweenay Xildhibaan ah oo gashay shil Baaskiil lana dhigey Isbitaal

Image

LONDON, UK – Xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsan xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska, marwo Emily Thornberry ayaa Isbitaal la dhigay markii banaanka xarunta baarlamaanka ee Westminster ay ku gashay shil baaskiil.

Xildhibaanadan ka tirsan xisbiga Shaqaalaha ayaa waxaa la rumeysan yahay in Jimcadii waqtiga qadada xiliga Ingiriiska ay ku dhacday gaari dadweyne halkaasi oo ay bushkuleetigu ku kaxeynaysay.

Afhayeen Emily u hadlay oo u mahad-celiyey howladeenada caafimaad ee gurmadka degdeg ah u sameeyay ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay xaaladeedu tahay mid wanaagsan wallow uusan fahfaahin bixin.

"Shaqadeeda iyo baaskiilkeeda waxay ugu soo laaban doontaa sida ugu dhaqsiyaha badan," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka, isaga oo aanan qaban waqti cayiman.

Siyaasiyiin fara badan oo caan ah iyo xubnaha ay kala tirsan xisbigeeda oo dabac-sanaan muujiyay ayaa waxay soo kabasho degdeg ah u rajeeyeen haweenaydan.

Emily ayaa waxay safka hore uga jirtaa xubnaha ugu firfircoon ee ku jira xisbiga Shaqaalaha oo kamid ah axsaabta siyaasadeed ee waaweyn ee ka jira Boqortooyadda Ingiriiska.

Sikastaba ha ahaatee, sheekadan oo noqotay mid kamid ah wararka ugu hadalheynta badan gudaha UK, sacadihii lasoo dhaafay ayaa waxay dadku ka bixinayaa fekerado kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM