Marxuum Badmaceeye oo aas qaran loo sameeyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuum Gen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qarabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona ALLE uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Marxuumka ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu inuu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa Ciidanka Xoogga iyo guud ahaan-ba dalka. Waxaanu yiri “Innaa LI-LAAHI, wa innaa ILLAAHI RAAJICUUN. 

Marxuum Jen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) ILLAAHAY (SWT) ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin weyn oo dalka iyo dadkaba qiimo ugu fadhiyay, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo kuligeen-ba ILLAAHAY (SWT) Samir iyo iimaan haka siiyo”.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in Marxuum Jeneral Badmaceeye uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa, Isla markaana uu kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka XDS oo nidaamka dawladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM