Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay dalalka saxiixay cahdi caalami ah

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada Soomaaliya Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada.

Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi [Fuursade].

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan oo waxtar u leh dhismaha Hay’adda Naafadaqa Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM