Milkiilaha Chelsea oo qarka u saaran inuu lumiyo maamulka Blues [Akhri Sababta]

Image

Roman Abramovich, oo ah Bil-yineer u dhashay wadanka Ruushka, islamarkaana ah ninka Saamiga ugu badan ku leh kooxda kubada cagta ee Chelsea, ayaa kusii dhawaanayaa inuu waayo ama uu lumiyo maamulka [taliska] naadiga lagu naaneyso Blues.

Sababta ayaa waxay tahay in dowlada Ingiriiska ay u diiday inay u cusbooneysiiyo Dal ku galkiisa ama Visaha maadaama uu ka dhacay kiisii hore bishii lasoo dhaafay ee Abriil, sida ay soo warinayaa badi warbaahinta dalka Ingiriiska.

Waaxda socdaalka iyo Jin-siyadaha ee UK, ayaa diiday inay faah-faahiso sababta ay ugu diiday Roman cusbooneysiinta Dalka ku galkiisa, laakiin waxaa la sheegay in tani ay salka ku haysa xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhaxeysa Moscow iyo London.

Fiisaha maal-qabeenkan ayaa dhacday saddex Todobaad kahor.

Roman Abramovich, oo 51 jir ah ayaa ka maqnaa ciyaartii Final-ka "FA Cup" ee ka dhacday Sabtidii lasoo dhaafay Garoonka Wembley, taasi oo Kooxdiisa Blues ay 1-0 uga adkaatey Manchester United.

Khilaafkan oo sababay in labadda dowladood ay soo kala eryaan diblumaasiyiin, islamarkaana inta badan dalalka reer Galbeedka ay la saftaan Ingiriiska ayaa timid kadib markii nin Basaas hore u ahaa Ruushka lagu sumeeyay isaga iyo Gabadhiisa magaalada Salisbury ee dalka Ingiriiska.

Ninkaas oo lagu magacaabo Sergei Skripal ayaa wuxuu hada ku jiraa soo kabasho, iyadoona inta badan saxaafada UK ay soo sheegeyso inay dhici karto in gabi ahaanba dalka laga musaafuriyo Roman Abramovich ama uu isaga si is-kiis ah u baxo.

Roman ayaa ah Ganacsade Bil-yineer ah, Maal-gashade iyo Siyaasi xiriir dhow la leh Madaxweynaha Ruuska Vladimir Putin, waxaana lagu qiyaasay lacagta uu leeyahay $11.6 Bilyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM