Sababta keentay dib u dhaca ku yimid kulan ciyaareedka El Clasico

Image

MADRID, Spain – Kulan ciyaareedkii u dhaxeeyay kooxaha Barcelona-Real Madrid ee ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Spain ayaa dib loo dhigay, sidda uu ku dhawaaqay xiriirka kubadda cagta, Jimcada maanta ah.

War qoraal ah oo xiriirka kasoo baxay ayaa sababta lagu sheegay "walaac dhanka ah ammaanka ah" kadib markii todobaadkan ay xukuumadda Madrid xukuno xabsi ah ku riday hogaamiyeyaal gobolka Catalan kasoo jeeda.

Kadib xukunkaas, banaanbaxyo waaweyn ayaa gilgilay magaaladda Barcelona ee gobolka Catalonia, waxaana isku dhacay booliska iyo shacabka.

Dheesha, oo loo yaqaano El Clasico, ayaa lagu wadday in ay qabsoonto maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe.

"Barcelona-Real Madrid waxay isku raaceen taariikhda xigta ee ciyaarta oo ah kahor 21 October. Hadii ay dhacdo in uu fashil kale yimaado Guddiga Tartamada ee xiriirka ayaa shaacin doona taariikhda kale," ayay raaciyeen.

Xiriirka ayaa lagu waramayaa in uu soo jeediyay in Arbaco 18-ka December lagu dheelo ciyaarta qalcadda [garoonka] New Camp ee Barcelona.

Saxaafadda ayaa qoreysa in labadda kooxood ay aqbaleen taariikhdaas balse xiriirka Spain uu ka biyo diidan yahay sababo ku aadan in Arbacada ay jiraan ciyaaro ka tirsan tartanka Copa del Rey.

El Clasico ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid kamid ah ciyaaraha loogu daawashada badan yahay aduunka marka laga reebo dhacdada ugu weyn kubadda cagta ee Koobka Aduunka oo sanadkiiba mar la qabto.

Catalan waa gobol gooni u goosad ah oo kamid ah Spain. Xukumaneyaasha ayaa waxay olole u wadeen in gobolkooda uu noqdo mid ka madax banaan wadankaas intiisa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

  • Cayaaro

    28-12-2023

  • 05:25AM