​17 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Burkina Faso

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Weerar loo malaynayo inay fuliyeen koox Jihaad doon ah ayaa ka dhacay magaalo madaxda waddanka Burkina Faso ee Ouagadougou, waxaana ku dhintay in kabadan 17 qof sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga booliiska waddankaas.

Saddex qof oo ku hubaysnaa qoryahah fudud ayaa rasaas ooda uga qaaday macaamiil fadhiday bannaanka hore Meherad lagu magacaabo Aziz Istanbul restaurant oo ku taalla bartamaha magaalada Ouagadougou.

Dadka dhintay ayaa u badnaa macaamiishii goobta fadhiday iyadoo sidoo kale ay dhaawacmeen toboneeyo kale.

Bartamaha magaalada ayaa waxaa xiray ciidamada, safaaradda Mareykanka ayaana uga digtay muwaaddiniinteeda inay ka fogaadaan goobtaasi.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo yimid labo sano kadib markii koox Jihaad doon ah Makhaayad ku taalla bartamaha magaaladaas lagu dilay 30 qof.

Burkina Faso, waxay kamid tahay waddamada ku yaalla Galbeedka Africa halkaasoo inta badan ka dhacaan weerarada ay fulinayaa kooxaha Jihaad doonka ah ee kasoo tallaabadaya Sahel.

Weeraro tiro badan ayaa ka dhacay Waqooyiga fog ee dalka Burkina Fasao gaar ahaan gobollada ku yaalla xuduuda ay la wadaagaan Maali.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM