Abiy Axmed oo dhaliilay Hab-dhaqanka Hay'adaha amniga Itoobiya

Afrika
By Wariyaha Arrimaha Caalamka , Garowe Online

ADDIS ABABA - Isagoo ka jawaabayey Su'aallo ay waydiiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Itoobiya, Ra'iisu Wasaare Abiy Axmed ayaa dhaleecayn culus uu u jeediyay hay'addaha amaanka dalkiisa, oo uu ku dhaliilay qaabyo ay ula dhaqmaan maxaabiistan.

Abiy ayaa ku eedeeyay Ciidamada inay fulinayaan ficillo argagaxiso iyagoo si qaldan u xira dadka sidoo kalena ku jirdilla xabsiyada, taasina ay yahay mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo dastuurka dalka Itoobiya.

Hadalkan Abiy ayaa jawaab u ahaa su'aal Baarlamaanka uu waydiiyay oo ahayd sababta Xukuumadiisa cusub xabsiyada uga sii daysay maxaabiis loo heystay falal argagaxiso, kuwaasi oo kamid ahaa kumanaan qof oo cafis loo fidiyay markii uu Ra'iisul Wasaaraha xafiiska la wareegay April.

"Miyuu Dastuurka sheegayaa in qof ay maxkamadi xukuntay lagu rido god mugdi ah, islamarkaana la jirdilo, ma ahan sidaas?," ayuu yiri Abiy Axmed oo shalay Baarlamaanka su'aallo waydiiyay.

"Jirdilka iyo in qofka la geliyo qol mugdi ah, waa ficilo argigixisnimo," ayuu hadalkiisa kusii daray Abiy.

Abiy oo kasoo jeeda qowmiyadda Oramada oo ah mida ugu badan Itoobiya ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay oo si shaac-baxsan eedayn culus u jeediyo Hay'addaha Amniga ee dalkaas, kana hor-yimaada xad-gudubyada Ciidamada iyo jirdilka maxaabiista. 

Maamulkii ka horeeyay Abiy Axmed ayaa lagu eedeeyay inuu caburin ku hayay shacabka Itoobiya, islamarkaana Ciidamadda ay Jirdil u geysan jireen dadka kasoo horjeeda dowladda, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Oromada.

Hay'addaha Xuquuqul Insaanka u dooda ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya caburin iyo ku xad-gudub xuquuqda aadanaha, kadib markii Ciidamada dowladda iyo xabsiga dhigeen kumanaan dad ah mudadii ay socdeen dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda ee billowday 2015.

Dhanka kale, Abiy Axmed ayaa difaacay go'aanka xukuumadiisa kusoo afjaraysa muranka dhanka xadka ee kala dhaxeeya Itoobiya wadanka ay deriska yihiin Eritrea, isagoo u sheegay Baarlamaanka in tallaabadaasi ay dani ugu jirto labada dal.

Abiy ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay u celinayso Eritrea magaalada Badme iyo deegaanada kale ee lagu muransan yahay ee Xadka ku yaalla, halkaasi oo labada dowladood ku dagaalameen laga soo billaabo May 1998 ilaa June 2000.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey