Baarlamaanka Itoobiya oo Su'aallo weydiinaya Abiy Axmed

Afrika
By Wariyaha Muqdisho , GAROWE ONLINE

ADDIS ABABA - Baarlamaanka Itoobiya ayaa u yeeray Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, si uu su'aalo uga weydiiyo go'aano ay dhawaan qaadatay Xukuumadiisa, oo ku saabsan muranka xuduudka ee dalka Eritrea iyo Shirkadaha ganacsiga dowladda.

Go'aanada ayaa waxay kala ahaayeen in dowladda Itoobiya ay ogolaatay inay dalka Eritrea, oo iyaga ka go'aday, ku wareejiso Magaaladda Badme oo ay isku haysteen labadda wadan ee deriska ah sanado badan.

Dagaalo kharaar oo ka dhacay magaaladan xadka ku taalla ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 70,000 oo qof oo labada dhinac, waxaana go'aanka xukuumada Abiy soo gaba gabeeysay colaada mudada kala dhaxeysay Eritrea.

Su'aalaha sidoo kale la weydiinayo waxaa kamid arinta dhaqaalaha, oo dhamaan shirkadaha Ganacsiga ee ay maamusho ay Xukuumadda Abiy uga dhigayso kuwa si gaar ah loo maamulo, laguna wareejiyo ganacsato ama maal-gashato ajnabi ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Baarlamaanka ayaa waxaa lagu sheegay in Fadhi gaar ah oo dhici doona maanta oo Isniin ah, uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed sharaxaad dheeri ah uga bixin doono arrimahaas.

Abiy Axmed ayaa wuxuu si toos ah uga jawaabi doonaa su'aal walba oo uga timaada xubin walba oo ka tirsan Golaha Sharci Dejinta ee dalka Itoobiya.

5-tii bishan June ayey ahayd markii labadaan go'aano ay shacabka shaki geliyay, oo uu gaarey Guddiga Fulinta ee Xisbiga taladda Itoobiya haya ee loo yaqaan EPRDF.

Guddiga ayaa sidoo kale go'aansaday in ay u oggolaadaan in dadka laga tirada badan yahay ee Itoobiyaanka ah ay saami ku yeelanayaan shirkadaha diyaaradaha, Isgaarsiinta, korontada, Adeegga Gaadiidka iyo Saadka.

Wuxuu kaloo sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay Ganacsiga xorta, iyadoo jeedkuna yahay in la kordhiyo kaalinta wax ku oolka ah ee qurba-joogta Itoobiya iyo maalgashatada ajnabiga.

Lama saadalin karo waxa kasoo bixi doona Fadhiga uu yeelanayo Baarlamaanka Itoobiya oo ay su'aalo ku weydiinayaa Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, kaasoo talaabooyin waa weyn oo isbedal ah qaaday tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii April 2018.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey