Caqabad soo wajahdey wadahalada biyo-xireenka muranka dhaliyey ee Nile

Afrika
By WARIYAHA KHARTUUM , GAROWE ONLINE
Suudaan ayaa qaadacdey wada-xaajoodyadda iyaddoo cuskatay in aysan miradhal ahayn.

KHARTUUM, Sudan – Suudaan ayaa qaadacday wadahadaladii Sabtidii dhex mari lahaa dalalka Dooxada Niil ee ku saabsanaa biya-mareenka muranka badan dhaliyay ee Itoobiya, iyadoo ugu baaqday Midowga Afrika inay door weyn ka ciyaaraan sidii loo sii wadi lahaa wada-xaajoodyada sanadaha badan istaagay.

Waa markii ugu horreysay ee Suudaan ay diiddo inay kaqeyb gasho wadahadallada Itoobiya iyo dalka ay woqooyga deriska ka yihiin Masar, kaasoo muujinaya sannado badan cabsi uu ka qabo in biyo xireenka Grand Renaissance Ethiopia ee wabiga Blue Nile uu si ba'an u waxyeelanayo saamigeeda biyaha.

Wasiirka Waraabka Suudaan, Yasser Abbas, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qaabka hada loo wajahayo heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan buuxinta iyo hawlgalinta biyo xireenka Itoobiya aysan ka soo bixin wax natiijo ah, Midowga Afrikana ay tahay in ay wax badan ka qabtaan "fududeynta gorgortanka iyo isu keenida saddexda dhinac".

Qaadacaada Suudaan, si kastaba ha noqotee, waxay carqaladeyn kartaa wadahadallada cakiran, ee ay AU-da horey u qaadatay doorka hoggaamineed ee taageeridda ah.

Maalintii Khamiista, wasiirada arrimaha dibedda iyo waraabka ee saddexda dal ee Dooxada Niil waxay ku kulmeen aalada fogaan aragga ah, laba toddobaad kadib markii ay ku heshiin waayeen qaab cusub oo wadaxaajood ah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Koonfur Afrika oo madax ka ah Midowga Afrika, Masar ama Itoobiya oo ku saabsan tallaabada Suudaan ay qaaday Sabtidii. Ma cadda goorta ay dib u bilaabayaan wadahadalada.

Biyo xireenka ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo korontada ayaa xiisad adag ka dhex abuuray Masar oo la walwalsan in uu khatar ku yahay saamigeeda.

Itoobiya ayaa sheegtay in biyo xireenka ay ku baxeyso $4.6 billion uu noqon doono matoor horumarineed oo malaayiin qof ka saari doona saboolnimada.

Suudaan, bartanka, waxay ka walwalsan tahay saameynta ay ku yeelan karto biyo xireenadeeda, inkasta oo ay u heelan tahay inay ka faa'iideysato helitaanka koronto jaban.

Su'aallo muhiim ah ayaa wali taagan kuna saabsan inta biyo ah ee ay Itoobiya ku sii deyn doonto dhulka hoostiisa haddii abaaro sanado badan socda ay dhacaan iyo sida saddexda dal ay u xallin doonaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka dhaca. Itoobiya ayaa diiday heshiisiin ku xirneyd heerka ugu dambeeya ee mashruuca.

Sidoo kale, Itoobiya waxay horaantii bishaan gashay xiisad dagaal oo dhimasho badan dhaliyay markii ay dowladda federaalka ah ay weerar militari ku qaadday maamulka waqooyiga gobolka Tigray arrintaas oo caqabad kale noqotay.

Colaadu waxay khatar ku tahay xasiloonidda dalalka deriska la ah Itoobiya, oo ay ka mid yihiin Suudaan, Soomaaliya iyo Ereteriya, oo caasimadoodii ay ku dhaceen gantaallo kaga yimid xoogagga Tigreega dhammaadkii asbuucaan. Dagaalku wuxuu u diray in ka badan 35,500 qaxooti Itoobiyaan ah gudaha Suudaan.

Itoobiya ayaa diiday heshiis qabyo ah oo Mareykanku hindisay oo ku saabsan biyo-xireenkeeda bishii Febraayo waxayna sii bilowdey marxaladdii ugu horreysay ee buuxinta keydka weyn ee biyo-xireenka, taasoo keentay in Washington ay joojiso malaayiin doolar oo gargaar ah oo ay siin jirtay xukuumada Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey