Maxay Abiy iyo Trump uga hadleen Wadahadalkooda taleefanka?

Afrika
By WARIYAHA ARRIMAHA CAALAMKA , GAROWE ONLINE

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa wicitaan dhinaca telafoonka ah waxa uu ka helay Madaxwaynaha Mareykanka, Jimcadii, sida uu xaqiijiyay xafiiskiisa.

Labada mas'uul ayaa is-dhaafsaday labo xaaladood oo ay ugu horeysay shirkii 10-kii Maaj. Trump ayaa balanqaaday in uu taageeri doono isbedalka uu wado Abiy Axmed.

Hogaamiyaasha ayaa ku adkeystay in ay ka go’antahay xaqiijinta xiriirka u dhaxeeya labada dowladood, sida uu yiri xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Abiy waa hogaamiyihii ugu dambeeyay ee qaarada Afrika, kaasoo wicitaan ka hela madaxwaynaha Mareykanka, Donald J Trump.

Uhuru Kenyatta, madaxwaynaha Kenya, hogaamiyaha Nigeria, Maxamaduu Buhari iyo Jacob Zuma, madaxa dowlada Koonfur Afrika ayaa qayb ka ah.

- Qoraalka xafiiska Abiy oo dhameystiran -

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Donald Trump ayaa telafoonka isku weedaarsaday tacsiyo ku aadan dadkii labada dal iyo dadkii uga dhintay shilkii diyaaradeed ee duulimaadka 302.

Madaxwayne Trump ayaa bogaadiyay Ethiopian Airlines, isaga oo xaqiijiyay in ay tahay hay’add xoogan, uuna farsamo ahaan taageerayo.

Donald Trump ayaa taageero umuujiyay guud ahaan isbedalka ka socda Itoobiya bilooyinkii lasoo dhaafay.

Labada hogaamiye ayaa kusoo xiray wadahadalkooda telafoonka in ay ka go’an tahay adkeynta cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labada wadan.

- Socdaalkii Abiy ee Mareykanka -

Mas'uulka ugu sareeyay Mareykanka ee uu Abiy la kulmay wuxuu ahaa Madaxwayne ku xigeenka Mike Pense, sanadkii hore kadib socdaal uu ku tegay dalkaasi markaasoo Aqalka Cad lagu qaabilay.

Isla waqtigaasi, Pence ayaa xaqiijiyay ka go’naanshiyaha taageerada ay Washington siinayso isbedalka Abiy ee uu ka wado dalkiisa.

Washington ayaa loo arkaa in ay tahay xulufada ugu muhiimsan ee Itoobiya marka loo eego iskaashiga laba geesood ah, oo ay kamid tahay iskaashiga amniga ee la dagalaanka argagixisadda.

Mas'uulkii ugu maqaamka sareeyay ee Mareykanka ka socda ee tega Itoobiya wuxuu ahaa Rex Tillerson, xoghayaha dowladda, kaasoo ka degay Addis Ababa, iyada oo ay taagan tahay xiisad culus.

Trump ayaa xilka qaadis ku sameeyay Tillerson markii uu soo dhameystay waajibaadkiisa uu ku gutaya dalalka Kenya iyo Nigeria ee dhaca bariga iyo galbeedka Afrika.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey