Waa sidee nolosha dadkii ka badbaaday EBOLA afar sano ka dib?

Afrika
By BBC

Waxaa laga jooga muddo afar sano ah tan iyo markii uu cudurka virus-ka ee Ebola uu ka dillaacay waddamada Galbeedka Afrika sida Liberia, Guinea iyo Sierra Leone. Sawirqaade lagu magacaabo Hugh Kinsella ayaa dib ugu laabtay waddamadaasi kana soo uruuriyey warbixinno dadka wali la nool cudurkaasi.

Cudurkan ayaa 2014-kii sababay dhimasho ka badan dhaman markii la isku darro tan iyo markii ugu horeysay ee virus-kan la helay 1976-dii.

Xaafadda West Point oo ah xaafad ka tirsan magaalada Monrovia waxaa ku nool dad aad u badan. Markii ay dowladda ku soo rogtay bandaw xafadaasi si looga hortago in uu faafo cudurkan halista ayaa taasi waxay sababtay xasillooni darro iyo rabshado.

Eva Nah, ayaa wiil ay ayeey u tahay waxaa dilay booliska xilli uu ka mudaharadayey takoorka lagu hayey dadka cudurka Ebola qabo .Waxaa kaliya uu rabay in uu ciyaaro kubadda cagta iyo inuu noqdo makaanik,"ayey tiri ayeeydiis. "hooyadis iyo aabihiis way dhinteen waxaan u ahaa wax kasta''.

Sanado kadib dowladda ayaa magdhaw siisay taas oo u oggolaatay in afar carruur ah iskuul u dirto.

Rita Carol waxay walaasheed ku weysay cudurka Ebola, waxay cuntada ku gadi jirtay jidadka ku yaalla magaalada West Point ,balse waxay keydsatay lacag ku filan waxayna soo gadatay firinjeer waxayna bilawday shaqo cusub oo ay ku gadayso jallaato,iyadoo rajeynaysa nolol wanaagsan iyo waayaha mustaqbalkeeda.

Etta Roberts waa kalkaaliso ka shaqo gasho isbitaalka Kahweh, waa xarun caafimaad oo ku taalla bariga Monrovia. Waxayna daaweysa ugu yaraan 10 qof oo bukaan ah oo la jirran malaariya

Aasaasaha isbitaalkan oo lagu magacaabo, Reginald Kahweh, ayaa hergaliyey qarashka lagu dhisay xaruntaan kadib markii uu ku waayey labaddisii waalid cudurka Ebola," qof kasto waa inuu u istaaga asaasidda bulsha wanaagsan....xaruntaan waxaa loo sameyey in lagu xasuusto dadkii dhintay."

Dhibaatada Ebola waxay ku noqotay la yaab nidaamka caafimaadka ee Liberia.Waddooyinka dalka ayaa horay u burbursanaa kadib 14 sano oo dagaal sokeeye uu waddanka ka jiray iyo adeegyada caafimaadka ayaa haatan u dadaal ugu jirabuuxinta baahida caafimaad ee aasaasiga ah.

Xarumaha ay halista ka jirto sida West Point ayaa haatan si taxadar leh loola socda isbedalka caafimaadkooda, waxaanaku sugan sarkaal heegan ah in ay la xirriraan machadka caafimaadka dadweynaha ee qaranka hadii ay dhacdo in laga shakiyo dadka geeriyooday.

Iyadoo ay jirto hormar wanaagsan oo dhinaca kaabasha caafimaadka ah yo dadkii ka badbaaday ay ka go'antahay in ay iska iloobaan ayaa dhinaca kale shaqaalihii uruurin jiray meydadka waxay arrinta ku reebtay dhibatooyin dhinaca maskaxda ah.

Shaqaalihii ka qayb qaatay duugistii dadkii u dhintay cudurka Ebola ee waddanka Sierra Leone ayaa ahaa dad sabool ah oo fursad shaqo baadigoobayey.

Maxamed Kanu wuxuu u shaqeynaayey dowladda si uu meydadka uu asturo markii uu cudurka Ebola dillaacay.

BBC

Warar la xiriira

Wararkii ugu dambeeyey