Barlamanka Burundi oo ka doodaya qorashaha Midowga Africa

Image

21 December, 2015(GO)-Barlamanka Burundi ayaa maanta la isugu yeeray kulan dag dag ah oo looga doodayo qorsha Midowga Africa damacsanyihiin ee ah in askar gaaraysa 5 kun dalkaas loo geeyo nabad ilaalin.

Xukuumadda Bujumbura ayaa loo qabtay muddo dhan afar bari in arrintaas go'aan uga soo gaaraan.

Hadallo kala duwan oo ka soo baxay dowladda Burundi ayaa lagu muujiyay sida aysan raali uga ahayn in lakeeno dalkeeda ciidamo ilaalinay nabad galyada shacbiga, waxaana afhayeen u hadlay madaxwenaha dalkaasi uu sheegay inuusan Midowga Africa qorshe gaari karin ilaa latashi lagala yeesho hogaanka dalkaasi.

Waxa u arkaan in madaxbanaanidooda wax loo dhimayo, afhayeenka ayaa sheegay inay yihiin dowlad si sharci ah loo soo doortay nidaam kasta oo dalkaasi lagu faro galinayana aysan ogolaan doonin ilaa madaxda dalkaasi fasaxaan.

Hasayeeshee Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn berri oo Talaada ah ka doonaya xukumadda Burundi in ay bixiso ogolaanshaha ciidammadani lagu gaynayo dalkaasi.

Go'aanka Barlamanka ee maanta ayaase loo dhagtaagaya, waxaana xukuumaddu raaci doonta tallaabada ay qaadaan golaha sharci dajinta dalkaasi.

Xaaladda dalkaasi ayaa bilooyinkii dambe kasoo daraysay, waxaana ka socda rabshado galaaftay nolosha dad badan oo shacab iyo mas'uuliyiin isugu jirta, arrintan ayaana ka dhalatay kadib markii madaxweynaha dalkaasi iclaamiyay inuu xilka u tartamayo markii saddexaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM