Booliska Turkiga oo u dhacay aqallada xubno ka tirsan militeriga

Image

Booliska Turkiga ayaa u dhacay aqallada boqollaal ka tirsan ciidamada militeriga Jimcaha maanta, kuwaas oo lala xiriirinayo af-gembigii dhicisoobey ee July 2016.

Xafiiska dacwad oogaha, ayaa xubnahaasi ku eedeyey inay xiriir la leeyihiin wadaadk Turkishka ah ee Mareykanka ku dhaqan Fethullah Gulen. 

Ankara ayaa eedda isku deyga af-gembi dusha ka saarta taageerayaasha Gulen, kaas oo dhaq dhaqaaqiisa Hizmet uu awood ku leeyahay bulshada Turkish-ka ah, oo ay ku jiraan warbaahinta, booliska iyo garsoorka.

Toddobaadkan, Turkigu waxa ay xabsiga dhigeen saxafiyiin iyo aqoon yahanno, kuwaas oo lagu eedeyey inay baahiyeen hadallo ka dhan ah dowladda jirta.

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM