Brundi oo diidey ciidamo nabad ilaaliln

Image

ADDIS ABABA- Midowga Africa ayaa joojiyey qorshe uu ciidamo nabad ilaalin ah oo gaaraya 5,000 ugu diri lahaa dalka Burundi si ay degenaanshihii ugu soo celiyaan wadankaas qalalaasuhu ka taagan yahay.
Saraakiisha ayaa sheegay inay dhiirigelinayaan wada hadalada siyaasadeed ee dhinacyada is diidan.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa si xoogan uga soo horjeeday qorshaha midowga Afrika ciidamada ugu diri lahaayeen dalkiisa.

Go'aankii uu ku gaaray bishii April, 2015 inuu mar sadexaad u tartamo xafiiska ayaa horseeday rabshadaha dalkaas ka socda kuwaas oo laga cabsi qabo inay isu rogaan colaado qowmiyadeed.

Ugu yaraan 439 qof ayaa ku dhimatay halka 240,000 u carareen wadamada dibada tan iyo bishii April ee sanadkii hore sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Midowga Afrika waxay geyn karaan ciidamo iyagoo aan haysan aqbalaada Burundi sida uu dhigayo dastuurkooda oo u ogolaanaya inay farogeliyaan xubin ka mid ah ururka sababo la xiriira qalalaasaha wadankaas ka jira sida denbiyo dagaal, Xasuuq & falal lidi ku ah xuquuqda aadanaha - laakiin waa markii ugu horaysay oo aysan samayn.

Diplumaasi sare oo ka tirsan AU oo lagu magcaabo Ibrahima Fall ayaa sheegay isku day noocaas oo kale ah ka dhalan karto xaalad aan la qiyaasi karin.


Burundi: Xaqiiqada dhabta ah


Dalku wuxuu wajahayaa jaahwareerkii ugu xumaa mudo 12 sano ah tan iyo intii la soo afjaray dagaaladii sukeeye 2005.

10.4M dad gaaraya ayaa ku nool

50 Sano weeye celceliska nolosha ragu

Waa wadanka labaad ee ugu saboolsan dunida

85% waa qowmiyada Hutu halka 14% ay yihiin Tutsi

300,000 oo qof ayaa horay ugu dhintay dagaalo sokeeye oo dalkaasi soo maray sida ay sheegayaan QM, Bankiga Aduunka & Hay'ada sirdoonka ee Maraykanka ee CIA.

Madax Golaha Nabada & Amaanka Midowga Afrika Smail Chergui ayaa yiri kadib kulankii ururku ku yeeshay Ethiopia "Waxaanu doonaynaa in aanu la hadalno dowlada, Kulankan waxaa lagu go'aamiyey in loo diro wafdi heer sare".

Todobaadkan horaantiisii kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa daabacday sawiro dayax gacmeed waxayna sheegtay inay aaminsan tahay inay yihiin 5 xabaal wadareed meel u dhow caasimada, halkaas oo lagu eedeeyey ciidamada amaanku inay ku laayeen tirooyin dad ah bishii Decembar.

Mr Nkurunziza horay wuxuu u hogaamin jiray jabhad ay leeyihiin Hutugu, wuxuuna xilka hayey tan iyo 2005 markaas oo la gaaray heshiis nabadeed. Dowlada iyo Mucaaradka labaduba qowmiyad ahaan waa kuwo isku dhafan.

Dagaaladii ku dhisnaa qowmiyada ee u dhaxeeyey Hutuga iyo Tutsiga sanadihii sagaashameeyadii waxaa la sheegaa inay ku dhintee dad lagu qiyaasay 300,000.


Qalalaasaha Burundi


  • April 2015 : Banaanbaxyo ayaa dilaacay kadib markii Madaxweyne Nkurunziza ku dhawaaqay inuu mar sadexaad xafiiska u ordi doono.
  •  May 2015 : Maxkamada Dastuuriga ah ayaa meel marisay doonitaankii Nkurunziza iyadoo lagu soo waramayo in garsoorayaasha loo cago jugleeyey. Tobonaan kuna waxay  ka cararaan rabshadaha.
  •  May 2015 : Saraakiil ciidan ayaa sameeyey isku dey afgenbi kaas oo fashilmay.
  • July 2015 : Doorashooyinkii ayaa qabsoomay iyadoo mar sadexaad la doortay Mr Nkurunziza. Doorashadu waxay ahayd mid lagu muran san yahay.
  • November 2015 : Dowladu waxay siisay kuwa ka soo horjeeda in Nkurunziza mar sadexaad xilka hayo 5 maalin oo ay hubka ku dhigaan iskuna soo dhiibaan ka hor inta uusan bilaaban hawl gal qabqabasho oo horay loo balan qaaday.
  • November 2015 : Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in aysan u diyaar sanayn inay wax ka qabtaan rabshadaha Burundi marka loo barbar dhigo sidii ay ahaayeen wakhtigii xasuuqa Ruwanda.
  • December 2015 : 87 qof ayaa la dilay maalin keliya taas oo ay ciidamadu kaga jawaabayeen weerar lagu qaaday xarun ay ku lahaayeen Bujumbura.
  • January 2016 : Amnesty International ayaa daabacday sawiro dayax gacmeed waxayna sheegtay inay aaminsan tahay inay yihiin xabaal wadareedyo meel u dhow halkii dadka lagu laayey bishii December.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM