Colombia: dowladda iyo jamhadda Farc oo iska kaashanaya miino-saarista

Image

March 9, 215 (GO)- Mileteriga dalka Colombia iyo dagaalyahannada jamhadda Farc ayaa iska kaashanaya bixinta miinooyinka lagu aasey dhulka miyiga ah oo muddo konton sano ka badan labada dhinac ku dagaalamayeen.

Tallaabadan oo ah mid si weyn dadka Colombia usoo dhoweeyeen ayaa timid kadib markii ergooyinka kala meteleya dowladda iyo jamhadda Farc heshiis ku gaareen dalka Cuba oo muddo labo sano ka badan Dowladda Colombia iyo Farc wada hadallo uga socdeen.

Heshiiskan oo fulintiisa khubaro dalka Norway ka socdaa dusha kala socon doonaan, wuxuu dhigayaa in xubnaha meteleya jamhadda Farc ee ka qayb qaadanaya hawlaha miino saarista aan loo ogoleyn inay qaataan hub iyo direys ciidan midna.

Colombia wuxuu kamid yahay wadammada ugu daran kuwa dagaallada sokeeye ka dhaceen ee dhulkiisa miinooyinku ku aasan yihiin.

In ka badan 11,000 oo qof ayaa ku dhintey ama ku dhaawacmey shilal la xiriira miinooyinka ku aasan deegaanada magaalooyinka ka baxsan ee dalka Colombia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM