Cunug dhalan 30-saacadood oo laga helay cudurka Coronavirus

Image

BEIJING, China – Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa Khamiista maanta ah warisay in cunug dhalan 30-saacadood laga helay cudurka Coronavirus.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in uu noqonayo kiiskii ugu da'da yaraa ee la diiwaan-geliyo, inta illaa iyo haatan la og-yahay.

Cunuga ayaa 2-dii bishaan Febraayo, 2020, ku dhashay Wuhan, oo ah halka uu kasoo bilowday caabuqaan dilaaga ah.

Tijaabo laga qaadey hooyadda cunuga kahor inta aysan dhalin ayaa muujisay in uu hayo xanuunkaas heeganka geliyey dalal badan.

Hase ahaatee, ma cadda qaabka ugu gudbay cunuga. Waxaysa u badan tahay midkood – xiligii uu ku jiray ilmo-galeenka ama kadib dhalashadda.

Wakaaladda wararka Xinhua ayaa soo warisay in cunuga laga helay cudurkaan xili dambe oo Arbacadii shalay ahayd, 5-ta Febraayo, 2020.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in cunuga ay xaaladiisu tahay haatan mid xasiloon isla markaana dhakhaatiirta si dhow ula socdaan caafimaadkiisa.

Coronavirus ayaa la xaqiijiyey in uu dilay 565 qof, halka uu ku dhacay in ka badan 28 kun oo qof. Kaliya hal dhimasho ayaa laga soo wariyey guud ahaan China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM