Daacish oo Qarax ka fulisay Afghanistan xilli xabad-joojin lala galay Taliban

Image

KABUL - Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda qarax Ismiidaamin ah oo maanta gilgiley Afghanistan kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 25 ruux.

Kooxda ayaa ku baahisay Wakaaladeeda wararka ee Amaq News Agency in weerarka oo uu fuliyay nin naftii hure ah ay la eegatay goob ay kulan ku lahayeen Ciidamada oo ku taalla degmada Rodat.

Rodat waxay 25-KM u jirtaa magaalada Jalalabad, ee xarunta gobolka dhanka bari ee dalka Afghanistan ee Nangarhar. In ka badan 54 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkan isqarxinta ah.

Shacab ah iyo xubno katirsan Taliban ayaa kamid ah khasaaraha dadka uu kasoo gaarey weerarka Daacish, oo lagu soo beegay iyadoo maalintii 2aad loo dabaal-deyaya munaasabadda Ciidul-Fitriga.

Wariyaasha ka soo waramaya Kabul ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta ah uu dharbaaxo weyn ku yahay heshiiskii xabad-joojinta KMG ay dhawaan gaareen dowladda iyo Kooxda Taliban.

Waxay ahayd maanta maalin taariikhi ah oo Ciidamada Afghanistan iyo xoogaga Taliban ay sameynayaan is-dhexgal iyo in wadajir ah shacabka ula dabaal degayay maalmaha ciida.

- Kordhinta Mudada Xabad-Joojinta Afghanistan-

Qaraxa ayaa yimid xilli Madaxweyne Ashraf Ghani uu ku dhawaaqay in dowladdiisu kordhinayso xabad-joojinta Taliban, isagoo aan mudada sheegin.

Khudbada uu ka jeediyay TV-ga dowladda, oo toos ugula hadlayay shacabka ayaa Shraf Ghani ugu baaqay Taliban inay dhankooda aqbalaan mudo kordhinta Xabad-joojinta, oo waqtigeeda ku eg Axada, June 17.

Ghani ayaa sheegay in munaasabada ciida awgeed ay dowladda sii daysay 46 maxbuus oo Taliban ah.

Taliban ayaa ku dhawaay 3 maalin oo xabad-joojin ah, oo ku eg maalmaha Ciida oo kaliya, iyadoo balan qaadey inay weerari doonin mudadaasi Ciidamada dowladda Afghanistan.

Go'aanka Taliban ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo ay Xabad joojin la sameeyaan dowlada tan iyo markii uu Mareykanka duulaanka ku qaadey dalkaasi 2001.

Madaxweyne Ghani ayaa isna dhankiida balan qaadey in Ciidamada dowladda aysan joojinayaan howlgallada military ee ka dhanka ah mudo 8 maalmood ah, oo ka billaabaneysa Talaadada.

Laakiin, kuma jiraan kooxaha kale ee argagaxisada sida Daacish kuwa laga joojinayo weerarada.

Gudoomiye-yaasha gobollada Helmand, Kandahar iyo Zabul ayaa sheegay in uu hirgelay heshiiska xabad-joojinta Talitab iyo dowladda, islamarkaana la dareemay jawi nabadeed oo dadka ku ciideen.

Mike Pompeo, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay tallaabadan dowladda Afghanistan ee dhanka nabada, taasi oo maamulka Trump dusha kala socdo.

"Waan taageersanahay Madaxweyne Ghani qorshihiisa xabad joojinta Taliban iyo billowga wadahadallada nabada labada dhinaca," ayuu Pompeo ku yiri War-Saxaafadeed.

Sidoo kale, Ciidamada NATO ee ku sugan dalka ayaa soo dhaweeyay kordhinta mudada xabad-joojinta, taasi oo billow u noqon karta in heshiis rasmi ah laga gaaro colaadda dalkaasi mudada ku dhaw 20-ka sano ka socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM