Dabley muwaadin British ah ku dishay Nigeria, dad kalena qafaashay

Image

ABUJA, Naigeria – Dabley hubeysan ayaa muwaadin u dhashay Ingiriiska ku dishay magaalada Kaduna ee waqoyga Nigeria, Jimcadii.

Ragga oo ku hubeysnaa hub culus ayaa sidoo kale afduubtay saddex kale xili ay dileen ruux kale oo u dhashay wadanka Nigeria.

Tani ayaa ka dambeysay markii dableyda oo xoog ku galeen goob ay ka xarun loo damashlo tago ay rasaas ugu fureen si aan kala sooc-lahayn.

Safaarada UK oo xaqiijisay geerida Faye Mooney ayaa shaacisay in ay ahayd shaqaale gargaar oo ka tirsaneed Mercy Corps.

Mercy Corps, hay’add aan dowli ahayn, oo tilmaamtay in ay aad uga naxday falkaan ayaa tacsi u dirtay ehelka marxuumadda.

Booliska oo qirtay in ay ku guuldareysteen in durba ka fal-celiyeen arrinkaan ayaa rajo ka muujiyay in ay soo furtaan la-haystayaasha.

Afduubka madax-furashada lagu baadigoobayo ee lagu beegsado shisheeyaha iyo Nayjeeriyaanka hodanka ah ayaa caadi ah dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 25 qof rayid ah oo lagu dilay Galbeedka Suudaan

Magaalada iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa dhowr maalmood waxaa ka dhacayay “duqeymo aan loo meel dayin iyo duqeymo xagga cirka ah”.

  • Afrika

    17-04-2024

  • 04:37AM

Tanzania: Fatahaadyo galaaftay 58 qof labo toddobaad gudahiisa

Afar bilood ka hor, ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay waqooyiga Tansaaniya.

  • Afrika

    15-04-2024

  • 10:29AM