Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo tegay Pakistan xili ay jirto xiisad

Image

Maxamed Bin Salman, dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, ayaa markii ugu horeysay tan iyo jagadaasi uu hantay Axadii socdaal ku tegay Pakistan oo xulufo dhow la lah xukuumada Riyadh.

Ra’iisul Wasaare Imran Khan ayaa soo dhaweeyay Bin Salman, oo ay yeesheen kulamo waqti qaatay, kuwaasi oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo maal-galineed oo  gaaraya 20 bilyan oo dollar.

Intii uu ku sugnaa Pakistan, Bin Salmaan ayaa amar ku bixiyay in lasoo sii daayo in ka badan 2-kun oo maxaabiis Pakistaaniyiin ah, kuwaasi oo ku xiran Riyadh, sida ay ku warameyso warbaahinta.

Sacuudiga ayaa xiriir dhow la leh Pakistan, oo ay horaantii sanadkaan siisay 6 bilyan oo deyn ah, si loogu kabo dhaqaalaha wadankaasi oo sii liicayey kadib markii In muddo ah ku dhexjireen qalalaaso siyaasadeed oo aad u daran.

Socdaal dhaxal-sugaha oo ah lugta 1aad ee safar uu ku marayo qaarada Asia, isaga oo kusii wajahan China ayaa umuuqda isku day uu ku doonayo in uu dib dhisayo maqaamkiisa kadib dhaliilo uu la kulmay.

Bilooyinkii lasoo dhaafay waxa uu wajahaya dhaleecaymo ku aadan in uu wax ka ogaa dilka saxafiga caanka ahaa ee Jamal Khashoggi, taasi oo la sheegay in ay hoos u dhigtay sumcadiisa caalamka.

Booqashada ninka ugu awooda badan Sacuudi Carabiya ayaa imaaneysa iyada oo ay jirto xiisad kacsan oo u dhaxeysa India iyo Pakistan oo ku aadan gobolka Kashmir, halkaasi oo qarax uu ka dhacay.

Weerarka oo sheegatay Urur ka dagaalama gudaha Pakistan, oo la yiraahdo Jaish-e-Mohammad ayaa lagu dilay 40 kamid ah askarta Hindiya, xili xukuumada New Dehli ay ku eedaysay weerarkaasi in ay wax ka ogtahay Pakistan.

Pakistan ayaa iska fogeysay eedayntaasi, iyada oo dib ugu yeeratay safiirkeeda si ay wax uga waydiiso arrintaan, iyada oo tilmaamtay in ay diyaar u tahay in ay kala shaqeyso India ciribtirka xoogagaasi.

Si lamid ah India ayaa u yeeratay danjiraheeda u fadhiya Pakistan, taasi oo ka dambeysay markii weerar kale oo ka dhacay qaybta ay maamusho ee degmada Pulwama uu ka dhacay hujuum kale.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux oo labo kamid ah ay askar Hindiya yihiin, labo kalena ay shacab yihiin ayaa ku dhimatay weerarkaasi, kaasi oo dab kusii shiday xiisada labada wadan ee ku hubeysan Nukliyeerka.

Waa tuma kooxda Jaish-e-Mohammad?

Waa mintidiin fadhigoodu yahay Pakistan, iyada oo inta badan howlgalo ka fuliya  Kashmir oo ay labada dowladood ku muransan yihiin.

Badi kooxdaan waxay weeraro ay ku beegsadaan dhinaca ay India maamusho, taasi oo dhalisay su’aal ku aadan in uu xiriirka kala dhaxeeyo dowlada Pakistan.

Hogaamiyaha xoogagaan la aas-aasay sanadkii 1998-dii, balse si rasmi ah usoo shaac-baxday sanadkii 2000, waxaa lagu magacaabo Mascuud Azar.

India iyo Pakistan oo midkood uu qayb kamid ah maamulo gobolka Muslimiintu u badan ee Kashmir ayaa xiisadoodu waxay soo taagneed tan iyo xorriyadooda, waxaana weerarkii Khamiista uu sii huriyay murankooda.

Dhaxal sugaha Sucuudiga ayaa ku wadaa inuu booqasho ku tago sidoo kale Dalka Hindiya oo kamid ah wadamada ganacsi ahaan ku xiran Riyad.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM