Diblumaasiyiin u dhashay Turkiga oo lagu khaarijiyey Ciraaq

Image

BAGHDAD, Iraq – Dad ay ku jiraan saddex diblumaasiyiin u dhashay Turkiga ayaa lagu toogtay maqaaxi ku taala magaaladda Erbil ee gobolka Kurdish ee wadanka Ciraaq, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Diblumaasiyiinta la khaarijiyey maanta oo Arbaco ah ayaa lagu waramayaa in uu kamid yahay ku xigeenka qunsulka guud Turkiga uqaabilsan gobolkaasi.

Maqaayadda uu falku ka dhacay ayaa waxay ku taalaa xaafadda ay degaan dadka hodanka ee la yiraahdo Ankawa.

Diblumaasiyiinta ayaa la sheegayaa in ay maqaayadda ka cunteynayeen xiliga ay dabley hubeysan rasaas ooda uga qaadeen mehrahaasi.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadan oo aysan sidoo kale ka hadlin dowladda Turkiga.

Wakaaladda wararka u faafisa Ankara ee Anadolu oo baahisay in saddex ruux ay kamid ahaayeen shaqaalaha qunsulyadda Turkiga ee magaaladdaasi ayaa xustay in kooxaha hubeysan aybeegsadeen diblumaasiyiinta

Todobaadyadii ugu dambeeyay, Turkiga ayaa sare u qaaday howlgalada ka dhanka ah kooxda PKK ee oo uu ka fulinayo gobolka Hakurk ee dhaca waqoyga Ciraaq.

Mareykanka, xukuumadda Ankara iyo Midowga Yurub ayaa waxay kooxdaan u aqoonsaday "urur-argagixiso".

PKK ayaa waxay dagaal ay kula jirtaa dowladda Turkiga tan iyo 1980, waxaana gulufka ka dhanka ah falaagadaasi ku naf-waayey in ka badan 40,000 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM