Diyaarad Faransiiska laga leeyahay oo shaki Bambaano loo hakiyay

Image

20 December, 2015(GO)-Diyaar ka soo duushay magalada Mauritius ee dalka Island kuna sii jeeday magalada Paris ee Faransiiska ayaa duulimaadkeeda loo hakiyay shaki Bambaano, waxayna ku qasbanaatay in lagu dajiyo magalada Mumbasa dalka Kenya.

Duuliyaha diyaaradda oo nooceedu yahay Boeing 777 ayaa dalbaday inuu joojiyo safarka, kadib markii musqusha diyaaradda lagu arkay aallad loo malaynayo inay tahay Bamb.

Khuburo Kenyati ku xeel dheer arrimaha miinooyinka ayaa baaritaan kuwadda aaladda laga shakiyay.

Dhawaan ayay ahayd markii weeraro khasaaro badan dhaliyay ka dhaceen dalka Faransiiska, waxaana dowladda iyo shacabka waddankaasi cabsi ka qabaan falal argagixiso oo markale dhaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM