Donald Trump oo farageliyey xukun lagu riday siyaasi ay saaxiibo yihiin

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa dhimay xukun xabsi ah oo lagu ridday siyaasi ay saaxiibo yihiin isla markaana horey u soo noqdey lataliyihiisa, Roger Stone.

Stone ayaa muddo 40 bilood ah waxaa loogu xukumay in uu been u sheegay Congress-ka, carqaladeyn iyo faragelinta marqaatiyeyaal.

Maxkamadda Rafcaanka ee Washington DC ayaa ku gacan-seyrtay dalab ka yimid Stone oo ahaa in dib loo dhigo muddeynta kiiska.

Stone ayaa kamida lix shaqsi oo ku dhow Trump, kuwaasoo lagu helay in ay ku lug-lahaayeen isku dayga Ruushka ee faragelinta doorashooyinka Mareykanka iyo ololihii madaxweynaha talada haya ee 2016.

67-sano jirkaan ayaa lagu waddaa in loo wareejiyo xabsi heer federaal ah oo ku yaala magaaladda Jesup ee ismaamulka Georgia.

Aqalka Cad oo difaacay talaabadda Trump ayaa sheegay in Stone loola dhaqmay "si cadaalo darro ah uuna mudan yahay in loo hiiliyo".

Dimuqraadiyiinta kasoo horjeeda maamulka Trump oo cambaareeyay talaabadan ayaa ku sifeeyay "xadgudub ka dhan ah sharciga".

Dastuurka Mareykanka ayaa xeerinaya in madaxweynaha uu awood u leeyahay in uu dhimo xukunadda iyo in uu cafis u fidiyo dambiyadda ka dhanka ah Mareykanka, marka laga reebo kuwa xil ka xayuubinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM