Guterres oo xil sarre u magacaabay sarkaal kasoo howlgalay Soomaaliya

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa wuxuu Gaashaanle Sarre oo Itoobiyaan ah u magacaabay taliyaha ciidamada ammaanka ku meelgaarka UN-ka ee degaanka Abyei.

Howlgalkan oo loosoo gaabiyo UNISFA ayaa ka howlgala Abyei oo ah aag u dhaxeeya Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed, halkaas oo 2015-kii la siiyey "mar-xalad gaar ah oo dunida kula macaamisho".

Kefyalew Amde Tessema ayaa wuxuu bedelayaa Mehari Zewdie Gebremariam, oo xafiiska faarujin doona bisha soo aadan ee July 7-deeda.

Taliyaha cusub oo haysta waaya aragnimo badan oo dhanka ciidamadda ah ayaa kamid ahaa Golaha Wasaaradda Difaaca Itoobiya tan iyo 2017-kii.

Xilkii ugu dambeeyay ee uu haayay waa Madaxa waaxda Injineeriyadda ee Ciidamadda Difaaca Itoobiya, qeybtaas oo u xil-saaran qorsheynta, isku-dabaridka, maamulka iyo tababarida arrimaha Injineeriyadda.

Horey wuxuu u soo noqdey taliye ku xigeenka iyo taliye qeybteeda isla ciidamadda difaaca qaranka Itoobiya, intii u dhaxeysay 2012-17-kii.

Sanadkii 2015-kii ayaa wuxuu noqday taliye qeybteeda ciidamadda howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika [AMISOM].

Madaxda haatan joogta ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa leh xiriir aad u dhow, arrintaas oo ay walaac ka muujiyeen xisbiyadda mucaaradka oo u baaqay in la saaro askarta wadanka ku sugan howlgalka aan kamid ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM