Haweenay loo karantiilay Coronavirus oo kufsi wadareed lagula kacay

Image

NEW DEHLI, India – Haweenay da'deeda ay u dhaxeyso 40-45 jir ayaa todobadkii hore kufsi wadareed loogu geystay gobolka Rajasthan ee Hindiya, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidamada bileyska.

Dhibanaha oo magaceeda loo qariyey si loo badbaadiyo sumcadeeda ayaa lagu faraxmeeyay gudaha Iskuul ay askarta u geeyeen sabab la xiriirta karantiilka Covid-19, cudurka uu sababo Coronavirus.

War-saxaafadeedka bileyska oo lagu qeexay in dhacdadaan lasoo wariyey 23-kii April ayaa xaqiijiyey in xabsi loo taxaabay raggii ka dambeeyay falkaas isla markaana uu haatan ku socdo baaritaan.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, waxaa shaqo joojin lagu sameeyay sarkaalka booliska ee shaqadda ku qornaa xilliga uu xadgudubka dhacay.

Haweenayda oo socoto ahayd ayaa ka timid magaala quruxda badan Sawai Madhopur, halkaasoo ay kasoo lugeysay. Iyaddoo lugeyneysa ayay qabteen ciidamada kadibna way karantiileen.

Xarun kale ayaa loo wareejiyey, mana cadda goorta ay halkaas ku qaadan doonto maadaama laga baarey xanuunka dilaaga ah.

Hindiya oo laga xaqiijiyey 26,496 kiis oo ah Coronavirus iyo 824 dhimasho ah ayaa lagu tilmaamay dalka ugu badan ee dadkiisu go'doonka ku jiraan. Dhanka kale, wadankaas waxaa 20-kii daqiiqo walba ka dhaca kufsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM