Hogaamiyeyaal muuqaal laga duubay "iyaga oo ku maadeysanaya Trump"

Image

LONDON, UK - Justin Trudeau iyo Boris Johnson, ra'iisul wasaareyaasha Canada iyo Ingiriiska, ayaa muuqaal laga duubay iyaga oo ku maadeysanaya Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka, intii lagu guda jiray waqtiga nasashada shirka NATO.

Ra'iisul Wasaaraha Canada ayaa la maqlayey isaga oo oranaya: "Wuu soo daahey sababta oo ah 40-daqiiqo ayuu shir jaraa'id hadlayey".

Trudeau ayaa sheegay in wafdiga Trump uu sawaxan badan sameeyo marka ay wada hadlayaan. Boris iyo Emmanuel Macron, madaxweynha Faransiiska, ayaa ku qoslay hadaladaas.

Donald Trump oo subaxnimadii shalay qabtay shir jaraa'id oo aan lasii qorsheyn ayaa ku weeraray madaxweynaha Faransiiska hadalo uu jeediyey oo ahaa in xulafada NATO ay ku socdaan "maskax dhimatay".

Macron oo tilmaamay in NATO ay baahan tahay "in ay hurdada ka toosto" ayaa walaac ka muujiyey hogaamin la'aanta Mareykanka.

Trump oo erayadaas ku qeexay "aflaagado" ayaa tibaaxay Marcon in uu noqday "qof aanan wanaagsaneyn".

Hogaamiyeyaasha ku mideysan gaashaan-buurta oo ah 29 xubnood kuna kulmay huteel ku yaala London ayaa kawada xaajoonaya qorsheyaasha hor-tabinta u leh, sanad-guuradii 70aad ee ururka iyo ajendeyaal kale.

Gabagabadda shirkooda ayaa waxaa lagu wadaa in ay kasoo saaraan war-murtiyeed uu ku cad yahay qodobada ay isla meel-dhigeen.

Shirkaan ayaa kusoo beegmay iyadda oo ay jiraan xiisado ay kamid yihiin; xilka ka qaadista Trump oo mar-xalad xasaasi ah mareysa iyo Washington oo dalal uu ku jiro Turkiga ka diidan soo iibsashada habka difaaca cirka ee Ruushka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tirada askarta Ruushka looga dilay dagaalka Ukraine oo la shaaciyay

Baaritaan ay sameysay BBC-da ayaa lagu xaqiijiyay geerida tiro sideed jibaar ka badan inta ay xaqiijisay Moscow.

  • Caalamka

    17-04-2024

  • 04:46AM

Dowladda Iran oo digniin culus u dirtay Israa’iil

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa ka jawaabay hanjabaada maamulka Israa'iil.

  • Caalamka

    16-04-2024

  • 12:49PM