Iran oo qabsatay maraakiib nooca shidaalka qaada ah oo ay UK leedahay

Image
Image

LONDON, United Kingdom - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Jeremy Hunt, ayaa sheegay inuu "aad uga walaacsan yahay" qabsashada Iiraan ee labada markab.

Stena Impero ayaa ku safrayay calanka Britain halka Mesdar uu ku safrayay calanka Liberia balse waxaa laga leeyahay Britain.

Milkiilayaasha markabka Stena Impero kaas oo ay damiin ka tahay Sucuudi Carabiya, ayaa sheegay in aanay u suuragelin inay markabka la xiriiraan haatanna "uu ku sii socdo dhinaca waqooyi ee Iiraan".

Waxa ay sheegeen in 23 qof ay markabka saarnaayeen ay marinka Hormuz ku soo hujuumeen "koox aanan la garanayn oo doonyo watay diyaar qumaati u kacdana ay wehlinaysay".

Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa "si degdeg ah" wararkaasi u eegaya.

Guddiga degdega ah ee dowladda ayaa waxa uu ku shirayaa Whitehall si uu arrinta u falanqeeyo.

Bar internet-ka oo la socota dhaqdhaqaaqa badda ayaa sidoo kale waxa uu ku warramayaa in markab kale oo nooca saliidda qaada ah oo xiriir la leh UK uu u weecday dhinacaas iyo Iiraan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ay ka warqabto wararka sheegaya in markab labaad oo lagu magacaabo MV Mesdar oo ku safrayay calanka dalka Liberia balse Britain laga leeyahay.

Dhacdooyinkan ugu dambeeyay ayaa imanaya xilli ay taagan tahay xiisad sare oo u dhaxaysa UK iyo Iiraan.

Wakaaladda wararka ee Tasnim oo soo xigatay Hay'adda Dekedaha iyo Badda ee Iiraan ayaa sheegay: "Waxaa ina soo gaaray warar sheegaya in markab shidaal qaada oo Britain ay leedahay oo lagu magacaabo Stena Impero uu dhibaato sababayo.

Markabka Stena Impero

"Waxaannu ciidammada miltariga waydiisannay in markabkan ay geeyaan dekadda Bandar Abbas si halkaas loogu sameeyo baaritaanka loo baahan yahay."

Wakaallada wararka ee u janjeerta Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegtay in markabka loo qabtay saddex shuruuc oo uu jabiyay awadeed: waxa ay damiyeen khadka GPS ee lagu ogaado hadba meesha uu markabka marayo, waxa uu marayay meesha looga baxo marinka Hormuz halkii uu mari lahaa barta laga soo galo iyo in markabku uu iska dhegatiray digniino loo jeediyay.

Stena Bulk, oo ah milkiilaha markabka, iyo maareeyaha shirkadda maamusha maraakiibta ee Northern Marine Management ayaa waxa ay xaqiijiyeen in markabka UK ka diiwaangashan ee Stena Impero la soo hujuumay galabkii Jimcaha mar uu marayay biyaha caalamiga ah.

Bayaan ayaa lagu sheegay: "Nooma aanay suuragelin inaan markabka la xiriirno kaas oo haatan ku sii socda dhinaca waqooyi ee Iiraan.

Straight Hormuz

"Ilaa iyo haatan ma ay jirto wax dhaawacyo ah oo la soo tabiyay, badqabka shaqaalahana waa walaaca ugu weyn ee ay qabaan milkiilayaasha iyo maamulayaashuba."

Xafiiska arrimaha dibadda bayaan ka soo baxay ayaa lagu sheegay: "Waxaannu raadinaynaa xog dheeraad ah sidoo kalana waxaannu qiimaynaynaa xaaladda kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya inay wax ka dhaceen Gacanka.

Xiisadaha u dhaxeeya UK iyo Iiraan ayaa cirka isku shareeray bilowgii bishan markii ciidammada badda ee UK ay qabsadeen markab nooca shidaalka qaada ah oo Iiraan ay leedahay oo looga shakiyay inuu jabinayay cunaqabatayn uu Midowga Yurub soo rogay.

UK ayaa waxa ay ka shakisay markabka Grace 1 oo waxa ay 4-tii bishan July ku qabatay meel u dhaw Gibraltar, kaas oo saliid u siday waddanka Suuriya.

Iyadoo arrintaas ka jawaabaysa Iiraan waxa ay ku hanjabtay in ay qabsan doono markab shidaal oo Britain ay leedahay.

9-kii July, UK ayaa sare u qaadday halista ku iman karta maraakiibta UK ee marta biyaha Iiraan ee Gacanka, oo waxa ay gaarsiisay heerkii ugu sarraysay.

Maalin kaddib, doonyaha Iiraan ayaa isku dayay inay hakiyaan markab shidaal qaada oo Britain ay leedahay oo gobolka ku sugan, ka hor inta aanay ciidammada badda ee UK u digin markabka, sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga.

Iiraan waxa ay gaashaanka u daruurtay inay isku dayday inay markaas qabsato.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu UK la hadli doono kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Iiraan ay qabsatay markab ka diiwaangashan waddanka UK.

Afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad ayaa sheegay in ay tahay markii labaad oo muddo ka badan todobaad ay UK lagu "bartilmaameedsaday qulqulato wax sii horunaysa" oo ay Iiraan dabada ka riixayso.

BBC

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM