Ilaalo ra'iisul wasaare oo loo eryay in uu hub kaga tegay suuli diyaaradeed

Image

LONDON, UK – Booliska Britain ayaa xaqiijiyey in sarkaal laga xayuubiyey howlihii loo idmaday isla markaana baaris lagu sameynayo kadib markii ay soo baxdey in uu qorigiisa kala tegay suuli diyaaradeed.

Sarkaalka ayaa lagu waramayaa in uu xiligaas waardiye u ahaa ra'iisul wasaarihii hore ee Boqortooyadda Ingiriiska, David Cameron.

Bastooladaas oo la tilmaamay in ay ku jireen 24 xabadood ayaa waxaa helay rakaab wax kahor inta aysan diyaarad duulin.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in sarkaalka oo magaciisa la qariyey uu sidoo kale suulida kaga soo tegay baasaboorkii Cameron.

Dhacdadaan ayaa waxay sababtay in ay dib u dhacdo duulimaad habeen ah oo ay sameyneysay diyaaradda British Airways.

Wargeyska afka dheer The Sun ayaa qaar kamid ah rakaabka kasoo xigtay in arrintaan ay dhacday habeenimadii Talaadadii.

Cameron oo ahaa wasiirka koowaad ee UK intii u dhaxeysa 2010-16 ayaa xafiiska baneeyay markii shacabka u coddeeyeen ka bixitaanka Midowga Yurub oo dhaqan-gashay Janaayo, 2020-ka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo David Camercon oo ku lug-yeesho dhacdooyin la xiriira suuli. 2012-kii, wuxuu si aan ola kac lahayn kaga soo tegay gabadhiisa sideed-sano jirka ah markii ay kala lumeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM