"Ilhaan waxay muwaadin Mareykan ah noqotay kahor xaaska Trump"

Image

WASHINGTON, US – Qeyb kamid ah saxaafadda Mareykanka ayaa garab istaag weyn u muujisay gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar iyo haween kale oo ay kawada tirsan yihiin xeer-dejinta wadankaas.

Sidda ay dad badan sheegayaan, xubnahaasi ayaa waxay kala yihiin; Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib of Michigan, Ayanna Pressley of Massachusetts iyo Ilhaan Cumar, oo asal ahaan Soomaali ah.

Tani ayaa waxay ka dambeysay markii ay weerar afka ah ay kala kulmeen madaxweyne Donald Trump, kaasi oo ka dalbaday in ay dib ugu laabtan hoygooda oo ah dalalka ay markii hore ka yimaadeen.

Marka laga reebo Ilhaan oo Soomaali ku dhalatay, saddexda kale ayaa waxay ku dhasheen kuna barbaarey gudaha dalweynaha Mareykanka.

Hasa ahaatee, xaqiiqo layaab leh ayaa soo ifbaxdey oo ku saabsan cidda dhalashada Mareykanka hor-qaatay Ilhaan iyo xaaska Trump, haweeneyda lagu magacaabo Melania.

Sidda ay ku warameyso warfidiyeenka, Ilhaan ayaa muwaadin Mareykan ah noqotay sanadkii 2000, halka Melania ay qaadatay dhalashada Ameerika lix bilood kadib taariikhdaasi, iyaddoo 36-jir ah.

Warbaahinta ayaa Trump ku sifeeyay mid mar kale iska indho tiraya runta, isla markaana ku qeexay hadadalada kasoo yeeray kuwa "jinsi faquuq ah iyo naceyb".

Saxaafadda maxaliga ah ayaa sidoo kale tilmaamtay in madaxweynaha Mareykanka uu iska indho saabayo in reerkiisu ay asal ahaan yihiin kuwa soo galooti ah.

Ilhaan iyo haweenka kale oo dhaliila siyaasada ka dhanka ah muhaajiriinta ee uu Trump siyaasada kusoo galay ayaa kusoo baxay doorashadii 2018-kii, iyaga oo wacad ku maray guluf ka dhan ah madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM