Imaaraadka oo u baroor-diiqaya geerida wiil ka tirsan boqortooyada

Image

ABU DUBAI, UAE – Imaaraadka ayaa ku dhawaaqey saddex maalmood oo baroor-diiq ah iyo calanka oo qeyb ahaan hoos loo dhigayo kadib geerida xubin ka tirsan qoyska boqortooyada wadankaasi.

Sheekh Khaalid Bin Suldan Al Qaasimi ayaa la xaqiijiyey in uu galabnimadii Axada uu ku dhintey London, caasimadda Ingiriiska. Inkasta oo sababta keentay dhimashadiisa aysan wali kala caddeyn.

Marxuumka, oo 39-jir ahaa, kaasoo ahaa wiilka ugu da’da yar xaakimka magaaladda Sharjah ee dalkaas Carbeed ayaa aas-aasey shirkad ka shaqeysa xayeysiiska dharka si gaar ah Surwaalada raga.

Shirkaasi oo lagu magacaabo Qasimi ayaa markii ugu horeysay waxay suuqa soo gashay sanadkii 2008-dii wallow ay horumar lataaban karo sameysay mudadii ay jirtay oo uu Khaalid gacanta ku hayey.

Tacsida loo dirayo qoyska ayaa qabsatay baraha bulshadda iyadda oo dadka murugada la wadaagayo ay kamid yihiin mas'uuliyiin iyo siyaasiyiin xiriir dhow la leh Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Khaalid Al-Qaasimi ayaa farshaxanka ka bartey dugsiga Tonbridge oo ku yaala London. Kadib koleejka London ayuu ka bartay luqadaha Faransiiska iyo Spanish-ka. Intaasi kadib cilmiga dhismaha ayuu bartay.

Walaalkiis ka weyn, Sheekh Maxamed Bin Suldan Al Qasimi, ayaa lagu waramayaa in uu sanadkii 1999-dii uu ugu dhintay isaga oo 24-jir ah markii uu iska badiyey isticmaalka maan-dooriyeyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM