India oo laga codsaday in ay laasho baarista wariye ka waramay Covid19

Image

NEW DEHLI, India – Urur u dooda warbaahinta ayaa Khamiistii waydiistay booliska Hindiya in ay laalaan baaris dambiyeed oo ka dhan ah saxafiyad ka warantay xaalada Covid-19 ee degaan doorashada ra'iisul wasaaraha.

Sidda ay sheegtay CPJ, wariye Supriya Sharma oo ah tifaftiraha guud ee bogga Scroll.in ayaa baaritaanka lagu bilaabay 13-kii June. Waxaa lagu soo eedeyay ceebeyn iyo dayac sababi kara faafitaanka Coronavirus.

Aliya Iftikhar, cilmi-baaraha CPJ ee Asia, ayaa talaabadaas ku sifeysay xeelad cad oo loogu talagalay in lagu cabsi-geliyo wariyeyaasha gudaha.

"Sharma waxay si fudud u gudaneysay waajibaadkeeda shaqo ee wariyenimo," ayay Iftikhar ku tiri war-saxaafadeed dheer oo ay soo saartay.

Mareegga Scroll.in ayaa wariyey in baaritaanka uu sababay maqaal ay uga hadleen saameynta ka dhalatay bandowga guud ahaan dalka ee uu soo rogay ra'iisul wasaare Narendra Modi si loo xakameeyo Covid-19.

Maqaalka ayaa shaaciyey in dadka ku dhaqan Varanasi oo ah degaan doorashadda baarlamaanka ee Modi uu bandowgu geejo u horseeday.

CPJ oo ah guddiga caalamiga ah ee difaaca wariyeyaasha ayaa soo tabiyey in baaritaanka uu si guud uga dhashay markii haweenay lagu soo qaatay warbixinta ay sheegtay in hadaladeeda si qaldan loo adeegsaday.

Maamulka mareegga Scroll.in oo meesha ka saarey sheegashadda haweenayda ayaa talaabadda baaritaanka ku qeexay mid la doonayo in lagu baqdin-geliyo saxaafadda iyo baahinta xaalada uu sababay bandowga.

Guud ahaan gobolka Asia-Pacific, dowladaha ayaa cadaadinaya warbaahinta xilliga Coronavirus. Hindiya oo wariyeyaasha ay wajahayaan cadaadiskaas kahor cudurkan, waxaa kasii daray dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Intii u dhaxeysay dhamaadkii Maaj iyo bartamihii May, sidda ay sheegtay CPJ, mas'uuliyiinta ayaa dacweeyay, su'aallo waydiiyey ama xiray ugu yaraan sideed wariyey markii ay ka warameen dhibaatadda bandowga.

Hay'addaha difaaca xorriyadda hadalka ayaa sheegay in mas'uuliyiinta ay ka codsadaan warbaahinta raaligelin ama ay wajahaan dacwad.

Dhacdooyinka aadka looga doodey waxaa kamid ah markii wakaalado ay wariyeen cuno la'aan ka jirta Varanasi oo India ah. Warbaahintii tabisay waxaa lagu soo oogay dacwad markii ay diideen in ay raaligelin dhiibaan.

Xorriyadda warbaahinta ee Hindiya ayaa hoos u dhacday sanadihii lasoo dhaafay. Dalkan wuxuu kaalmaha hore kaga jiraa warbixinadda ay sanad walba soo saaraan ururadda ka qaylo-dhaamiya xadgudubyadda war-fidiyeenadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM