Isku-day la rabay in lagu dilo Ra'iisul Wasaaraha Armenia oo laga hortagay

Image

YEREVAN, Armenia – Hay'adda sirdoonka Armenia ayaa shaaca ka dhigtay in ay ka hortagtay isku-day la doonayay in lagu khaarijiyo Ra'iisul Wasaare Nikol Pashinyan isla markaana ay mas'uuliyiin hore xukunka kula wareegi rabeen.

Pashinyan waxaa saarnaa cadaadis maalmihii la soo dhaafay; kumanaan mudaharaadayaal ah ayaa mudaharaadayay ilaa Talaadadii waxayna dalbanayeen inuu isu-casilo xabad joojinta uu Azerbaijan kala galay gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh ka dib lix todobaad oo dagaallo culus ay socdeen.

Bayaan ay soo saartay Sabtidii, NSS ayaa xustey in la xiray madaxeedii hore, Artur Vanetsyan, hogaamiyihii xisbiga Jamhuuriga garabka baarlamaanka, Vahram Baghdasaryan, iyo mutadawiciinta dagaalka Ashot Minasyan.

"La tuhunsaneyaasha ayaa qorsheynayay in ay si sharci daro ah kula wareegaan xukunka dilka ra'iisul wasaaraha waxaana jiray durbaba musharixiin laga wada hadlay in ay badalaan," ayay hay’ada NSS qoraalka raacisay.

Pashinyan wuxuu horaantii todobaadkan sheegay waayey fursad aan ka aheyn inuu saxiixo heshiiska ay garwadeenka ka ahayd Ruushka si looga hortago qasaaro dhuleed oo hor leh. Wuxuu tibaaxay in uu si shaqsi ah u qaadanayo mas'uuliyada guuldarada, laakiin wuxuu diiday baaqyada ah inuu is casilo.

Xabad joojintu waxay joojisay isku-dhacyadii milatari ee ka jiray Nagorno-Karabakh iyo hareeraheeda, oo ah goob caalamka u aqoonsan yahay inay ka mid tahay Azerbaijan laakiin ay ku noolyihiin dad kasoo jeeda Armenia.

Sabtidii, dadka kasoo jeeda Armenia ee ku nool Nagorno-Karabakh waxay dab qabadsiiyeen guryahooda ka hor inta aysan u cararin Armenia maalin ka hor waqtiga loo qabtay oo arki doona qaybo ka mid ah dhulka lagu wareejiyay Azerbaijan oo qayb ka ah heshiiska xabad joojinta.

Heshiiska oo soo dhaweyn caalami ah la kulmay ayaa wuxuu xeerinayaa in 2,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah oo Ruush ah la geeyo gobolka.

Ilaa horaantii 1990s, qowmiyadaha Armenia waxay gacanta ku hayeen dhamaan Nagorno-Karabakh iyo dhulal fara badan oo ku hareeraysan. Waxay hadda lumiyeen inta badan dhulkii laftiisa iyo waliba dhulka ku xeeran.

Armenia ayaa ku dhawaaqday Sabtidii in 2,317 askar ah looga khaarijiyey iska-hor-imaadyadii dhacay, kuwaasoo sidoo kale kumanaan kale ku qasbay inay ka cararaan guryahooda. Azerbaijan ma shaacin qasaaraha soo gaaray militariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM