Jim Mattis oo is-casilay markii isku aragti noqon waayeen Trump

Image

WASHINGTON - Wasiirkii Gaashaandhigga Mareykanka, Jim Mattis ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay jagadii uu hayay, kadib markii ay isku aragti noqon waayeen Madaxweyne Donald Trump.

Go'aanka Wasiirka ayaa yimid saacaddo kadib markii Trump qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Jim Mattis uu howl-gab noqon doono bisha February ee 2019.

Warqaddiisa Iscasilaadda ayuu Mattis ugu sheegay Trump inuu shaqada ka tagayo, isagoo intaasi raaciyay: "Xaq baad u leedahay inaad yeelatid Wasiir difaaca oo kugu feker ah".

Mattis oo xafiiska si rasmi ah u baneynaya February 2019, ayaa noqonaya mas'uulkii ugu dambeeyay oo iska-casila maamulka Trump oo wajahaya mucaarado gudaha Mareykanaka.

Maalin kahor is-casilaadda Mattis, Trumo ayaa shaaciyay go'aan ka nixiyay xulufadda Mareykanka ee dibadda iyo xubnaha Koongareeska kaasoo ah in ciidamada Mareykanka ee jooga Syria lasoo saarayo.

Go'aanka Trump ayaa aad loogu dhaliilay inuu meel cidla ah uga tagayo Kurdiyiinta Xulufada u ahaa dagaalka Daacish, kuwaasoo khatar ugu jira Turkiga inuu cagta mariyo.

Turkiga ayaa doonaya inuu wiiqo awoodda Kurdiyiinta Syria kuwaasoo xiriir la leh Jabhadda PKK, oo Xukuumadda Ankara ku dartay Liiska Argagaxisadda, maadaama ay khatar ku yihiin amniga qaranka dalkaasi.

Mattis ayaa kasoo horjeystay tallaabadan uu qaadey Trump ee ciidamo gaaraya 2,000 oo Askari looga soo saarayo wadan Syria, isagoo tilmaamay in wali khatarta Daacish jirto.

Bishii March ee sanadkan 2018, Trump ayaa xilka ka qaadey Xogyahihii arrimaha dibadda Mareykanka, Rex Tillerson kadib markii ay isku aragti ka noqon waayeen arinta Iran, oo Madaxweynaha uu doonayay in Washington ka baxdo heshiiskii barnaamijka Niyukleerka ee Tehran lala galay 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM