Xakameynta Covid-19 oo dhibaato u keentay Muslimiinta Hindiya

Image

NEW DELHI- Dadka mutadawiciinta ah oo adkeeynaya bandowga dowlada Hindiya ku soo rogtey shacabka ku nool mid kamid ah dalalka aduunka ugu dadka badan ayaa noqdey kuwa xad-dhaaf ah.

Bandowga saaran dalka Hindiya oo noqdey mid Bil jirsadey ayaa RW Narenda Modi kordhiyey tan iyo 3 bisha May. 

Dadka dalkaas ku nool ayaa ilaalinaya amarka bandowga iyagoo cabsi ka qaba iney waayaan adeeg caafimaad hadii ay u xanuunsadaan cudurka coronavirus. Lakiin xeel dheerayaasha ayaa dhinaca kale sheegaya in awooda maamul ee Ra'isal wasaraha Hindiya tahay qodob aan la xaqiri karin. Dowladiisa ayaa ah midii ugu awooda badneyd oo qabata xukunka dalkaas tobanaankii sano ee la soo dhaafey, taas oo sababtey in dad badan oo Hindi ah ka Baqaaan iney jabiyaan sharciga.

Sidoo kale, Mutadawaciinta la dagaalanka faafista caabuqa Corona ayaa ah kuwa soo kordhaya. Dadka ay yasaan dadka dalkaas daga "Lower castes" iyo Mislimiinta laga tiro badan yahay ayaa kala kulmaya kooxahaan cagajugleyn iyo weeraro joogta ah. 

Siyaasiyiinta xisbiyada kale iyo hogaamiye-yaasha bulshooyinka laga tiro badan yahay ayaa ku eedeeyey in tageerayaasha xisbiga talada haya sharciga gacantooda ku fulinayaan.

Guud ahaan, dalka Hindiya ayaa waxaa laga sheegey in dad gaaraya 16000 qof laga heley xanuunkaan halka 500 kamid ah u dhimatey. 

Dadka la socda Heerka cudurkaan faafistiisu mareyso ayaa sheegey in sababta tirada dadka uu ku dhacey coronavirus ay tahay mid ka yar dalalka horey u marey ay tahay madaama aysan jirin awooda qalabka lagu wada ogaanayo dadka qaba caabuqaan. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM