Kenya: boroordiiq socota iyo nin kamid ah kuwii weerarka fuliyey oo la aqoonsadey

Image
Image

April 5, 2015 (GO)- Af-hayeen u hadley Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa xaqiijiyey in la aqoonsadey mid kamid ah afartii nin ee fulisey weerarkii khasaaraha badan geystey ee Al-shabaab ay la beegsatey Jaamacadda Gaarisa.

Ninkaas oo Soomaalida Kenya ka tirsan waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxiim Maxamed Cabdullaahi. Aabihiis Maxamed Cabdullaahi ayaa horay usoo noqdey guddoomiyaha deegaanka Jamhuri ee hoos taga Mandheera.

Cabdiraxmaan oo ka baxay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Nairobi waxaa la waayey sanad kahor, waxaana loo badinayaa in waqtigaas uu ku biirey Al-shabaab.

Dhanka kale, dalka Kenya waxaa maanta ka bilowdey saddex maalmood oo baroor diiq ah oo loo sameynayo dadkii ku dhintey weerarka Jaamacadda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo goob fagaare ah kumannaan qof kula hadley, wuxuu sheegay inaysan ka hari doonin kuwii weerarkaas geystey. Uhuru ayaa sidoo kale beeniyey in dadka muslimka ah ee Kenya ku nool la dhibaateeyo.

Weerarkii lagu soo qaadey Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya oo ku dhowaad 150 qof lagu diley waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtey ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM